Kroos’s Reaction Towards The Pitch: Meel May Ahayn

Schalke 0-2 Real Madrid 5Laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid, Toni Kroos ayaa dhalleeceeyey garoonkii ciyaartii xalay ee Schalke ee Veltins Arena kaas oo uu ku tilmaamay mid aanay xaaladdiisu hagaagsanayn.

“Way adkayd xaaladdu, waxaana qayb weyn ku lahaa sida uu garoonku ahaa. Cudur-daar ma noqonayso in qaab ciyaareedkayaga liitay ay ahayd garoonka, hase yeeshee masiibo ayuu ahaa garoonkaasi” sidaas ayuu yidhi Toni Kroos.

Kroos oo u warramay Sky, waxa kale oo uu ka hadlay guul darradii kooxdiisa ee kulankii 4-0 ay Atletico Madrid ku ceebaysay kooxdiisa, waxaanu sheegay in aanay rajeynaynin in ay mar dambe dhacdo. Sidoo kale Schalke ayuu ku tilmaamay koox difaac ku ciyaaraysay.

“Waxa aanu ka filaynay Schalke in ay difaac aad u adag ku ciyaarto, laakiin wakhti fiican ayaanu gool dhalinay.” Ayuu yidhi.

Wariye su’aal weydiiyey ayaa waxa uu ku yidhi, ma kula tahay in kooxdaada qalalaase ka dhex taagan yahay, waxaanu Kroos ku jawaabay: “waxa laga yaabaa in qaybtii hore aanu ciyaar wanaagsanayn, laakiin marka aad ka hadlayso qalalaase, aniga fikriyan waxay ila tahay in ay tahay in si xidhiidh ah loo guul darraysto. Waxa la naga badiyey hal ciyaar oo kaliya. 4-0 in lagaaga badiyaa, waxa ay ka wanaagsan tahay in afar ciyaarood 1-0 lagaaga badiyo”.

Kroos waxa uu amaanay saaxiibkii Ronaldo oo gool dhaliyey ciyaartii xalay isagoo aan saddex ciyaarood oo ka horreeyey ku saxeexin wax goolal ah.

“Ronaldo mar walba waa bartilmaameed, goolal ma dhalinin laba ama saddex ciyaarood, laakiin in muddo ah oo aanu dhalinin hadda ayuu dhaliyey.” Ayuu raaciyey.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Basle 1-1 Porto: Rigoodhihii Danilo Oo Meesha Ka Saaray Goolkii Derlis Gonzalez

Reus gives no answer to Van Gaal: Reus Oo Telefoon ka qaban waayey Van Gaal

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com