Kuma Ayuu Ahaa Xiddigii Ugu Wanaagsanaa Ciyaartii Croatia iyo England, Maxaase Lagu Xushay?

 

Xulka qaranka Croatia ayaa markii ugu horreysay taariikhdiisa u gudbay ciyaarta ugu dambaysa ee finalka Koobka Adduunka, kaddib markii ay 2-1 kaga adkaadeen xulka qaranka England.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Luzhniki Stadium ayaa waxa qaybtii hore hal gool la yimid England, hase yeeshee qaybtiii labaad ayaa ay Croatia gacanta ku qabatay maamulka ciyaartaa, waxaana ay taasi keentay in daqiiqaddii 68aad uu goolka barbar dhaca u dhaliyo Perisic ka hor intii aan wakhti dheeraad ah lagu darin ee aanu goolka guusha raacinin Mario Mandzukic.

Haddaba ciyaartan oo aad u adkayd, xulka qaranka England na u badnaa da’yar orod badan, ayaa waxa xiddigii garoonka loo doortay laacibka reer Croatia ee Ivan Perisic, kaas oo dhaliyey goolka koowaad ee barbar dhaca hayse yeeshee fursado badan oo kelana nasiibku u diiday inuu dhaliyo.

Qiimaynta xiddiga garoonka oo ay samayso FIFA ayaa waxa kale uu Ivan Perisic ku mustaytay bandhig ciyaareedkiisii wanaagsanaa ee qaybtii dambe burburiyey difaaca France.

Si kastaba ha ahaatee ciyaarta finalka oo ay wada ciyaari doonaan Croatia iyo France ayaa ka dhici doonta magaalada Moscow garoonka weyn ee Luzhniki Stadium.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.