10:27 am - Sunday June 25, 2017

La Ogaaday: Sababtii Ay Diyaarada Cristiano Ronaldo Shilka Ugu Gashay Garoonka Diyaarada Barcelona

Samatar Mohamed

ronaldo-plane-sport-1475233057740

Sida aan hore idiinku soo gudbinay, diyaarada khaaska ah ee uu leeyahay xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa shil ku gashay garoonka diyaaraddaha magaaladda Barcelona ee El-Prat, nasiib wanaag may jirin cid wax ku noqotay.

Haddaba diyaaradan uu leeyahay Ronaldo ee Gulfstream G200 oo qiimaheeda uu gaadhayo 19 million euro ayaa cillad ay ku soo gaadhay gegida ay diyaaraha ku cararaan markii uu shaqadda joojiyey Haydarooliga biriiga bidix.

Marka aanu diyaarada u baahneyn Cristiano Ronaldo, shirkad gaar loo yahay ayaa ka kireysa dad kale. Markii ay diyaarada kaceysay, waxaa jabay marshada degitaanka diyaarada taas oo ay ugu wacneyd Haydarooliga oo hawl-gabay, waxaana ay maamulka garoonka diyaaradaha xidheen mid ka mid ah gegida ay diyaaraduhu ku cararaan muddo saacado ah.

Wakhtiga uu shilkan dhacayey Ronaldo waxa uu ku sugnaa Jarmalka kaas oo uu isagu diyaarinayey kulankii ay kooxdiisa Real Madrid barbaraha 2-2 la gashay Borussia Dortmund ee Champions League.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Massimo Moratti Oo Lagu Wado In Markale Uu Madaxwayne U Noqdo Inter Milan!

Atletico Madrid Oo Kulan Musalsal Ah Ku Garaacday Valencia

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: