3:03 pm - Wednesday August 23, 8823

Laab-Saalax Oo Jawaab Ka Bixiyey Xilka Qaadistii Gudoomiyenimada Xidigaha Geeska

Muxumed

Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul – Gudoomiyihii Muddada dheer soo maamulayay kooxda Xiddigaha Geeska ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas, fariin kooban oo uu soo dhigtay barta uu ku leeyahay shabakada Bulshadu ku kulanto ee Facebook.

Shirwaynaha kooxda oo ay kasoo qayb galeen 22 xubnood ayaa Qoraal ka soo baxay xarunta xidigaha Geeska ee magaalada Hargeysa fiidnimadii Axada lagu sheegay in ururka fanaaniinta Xidigaha Geesku doorteen xubno maamul oo cusub, xilkiina ka qaadeen Gudoomiye Xassan Saleebaan.
Laab-Saalax, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu jiray Muran soo jiitamayay oo ka dhex aloosnaa xubnaha xidigaha geeska, sidaas darteedna uu xilka gudoomiyenimo isaga casilay.

“Kooxda Xidigaha Geesku Waa Koox Ku Dhisan, Nidaam Sharciya islamarkaana Leh Qawaaniin Ay isku Maamusho.
Hadaba iyadoo Kooxda uu Muran Ka Taagnaa in Muda ah. Ana Aan ka Maqnahay dalka waxaan Shacabka Ku Xidhan Kooxda iyo Xubnaha Kooxda u Cadaynayaa
In aan Si Rasmiya iskaga Casilay Xilkii Gudoomiyenimo

Maamulkii iyo Xunihii kooxda ahaa sida wacan iila Soo Shaqeeyayna Waan u Mahadcelinayaa.

ALLAAAAAH MAHAD LEH

Xasan Dhuxul Laabsaalax “”

Xassan Saleebaan, ayaa qoraal uu soo saaray Isniintii Todobaadkii hore waxa uu ku shaaciyey in uu fannaanka Maxamed Siciid BK ka saaray Xidigaha Geeska, kaas oo uu ku eedeeyey in uu jebiyey qawaaniintii iyo xeerkii u yaallay urur-faneedkooda.

Laakiin, Maxamed Siciid BK – ayaa ka dhex muuqday magacyada xubnihii soo saaray – warmurtiyeedka xubnaha xiddigaha Geesku xilka kaga qaadeen Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul, kuna doorteen xubnaha maamul cusub.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
4/5 - 1
You need login to vote.

Xidigaha Geeska Oo Doortay Maamul Cusub

Walaxdii Bamka Qarxaya La Mooday Ee Baajisay Ciyaartii Manchester Oo La Aqoonsaday

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: