Sidee Ayuu Ancelotti U Buuxin Doonaa Booska Bale iyo Modric?

Ancelotti

Carlo Ancelotti ayaa ku mashquulsan sidii uu u heli lahaa ciyaartooyadii buuxin lahaa meelaha ay banneeyen Gareth Bale iyo Luka Madrid oo dhaawac ah. Waxa miiska u saaran ciyaartooyo markii hore kursiga kaydka fadhiyey oo aan wakhti heli jirin, kuwaas oo kala ah Jese, Chicharito, Asier Illarramendi iyo Sami Khedira. Fursadda kaliya ee uu haysto Ancelotti waa in uu raggan ka faa’iidayso oo uu ugu yeedho in ay ciyaaraan, isaga oo  u diyaarinaya qaabkii ay ula ciyaari lahaayeen kooxda ka soo horjeedda. Waxa kale oo isna kaydka u fadhiya Ancelotti laacibka reer Brazil ee Lucas Silva.

Mar haddii ay kala maqan yihiin BBC (Benzema, Bale iyo Cristiano), waxa hor yaalla Carlo Ancelotti laba siyaabood oo uu ku ciyaaro karo.

Shaxda hore: 4-4-2:  Casillas, Ramos, Varane/Pepe, Carvajal, Coentrao, James, Khedira/Illarra, Kroos, Isco, Benzema iyo Ronaldo.

Shaxda labaad: 4-3-3: Casillas, Ramos, Varane/Pepe, Coentrao, Carvajal, James Kroos, Isco, Jese/Chicharito, Benzema iyo Ronaldo.

Real Madrid..

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mourinho: Hazard Wuxuu La Tartamayaa Ronaldo Iyo Messi

Xaflad Casho Oo Midaysay Ciyaartooyada kooxaha reer Manchester

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com