Chelsea ayaa gacanta ka saartay Jose Mourinho iyo shaqaalihiisii lacag dhan £31.4million si ay isku casilaan tan iyo sannadkii 2007.

Akownka xisaabeed ee kooxda ayaa laga ogaaday in Chelsea ay gacanta ka saartay Mourinho lacag dhan £8.3million bishii December 2015, halka isaga iyo shaqaalihiisii la socday sannadkii 2007 la siiyey £23.1million markii shaqada laga eryey.

Chelsea ayaa ku bixisay £23.1million heshiiskii ay kula jirtay Adidas oo ay ka baxday, waxaanay heshiis cusub la saxeexatay shirkadda Nike oo muddo 15 sannadood ah oo ay dharkeeda xayeysiin doonto ay ku qaadan doonto £900milyan.

Lacagtaas qayb ka mid ah ayaa waxay Chelsea ku dhisanaysaa garoon cusub oo qaadi doona 60,000 qof oo ay u guuri doonto xili ciyaareedka 2021-2022.