“Lampard wuu soo laaban doonaa” Mourinho

Macalinka Kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in xidigga xagaagan ka tagaya naadiga ee Frnak Lampard in uu kooxda ku soo laaban doono.

Frnak oo ah laacib khadka dhexe ah ayaa Chelsea u saftay 648 kulan waxuuna yahay ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan taariiikhda naadiga isagoo Chelsea u saxeexay 211 gool.

Jose wuxuu yidhi “Waa fasax yar waxa uu nooga maqnaan doono, tani maaha dhamaadka  xidhiidhka Lampard uu la leeyahay Chelsea, xidhiidhkiisa  in uu laacib ahaan kooxda ugu ciyaaro  waa dhamaatay,sannada yar kadib wuu soo laaban doonaa. Waayo waa mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu muhiimsan taariikhda naadigan.

Mourinho intaas ku daray ” Waan hubaa in uu maalin uun Chelsea kusoo laaban doono, dhamaan sidaas ayaa la wada doonayaa, aniga xitaa waan rabaa in uu soo laabto, waxuu ku soo laaban doonaa siduu isaga doonayo.