Leeds United vs Wolves: Dacwad Nooceedu Cusub Yahay Oo Sharciga Laysla Tiigsanayo

Mulkiilaha kooxda kubadda cagta Leeds United oo lagu magacaabo Andrea Radrizzani ayaa warqad ka dhan ah Wolves u diray xidhiidhada kala duwan ee maamula ciyaaraha Ingiriiska ee Football Association, Premier League iyo EFL.

Radrizzani waxa uu ka dalbaday maamullada ciyaaraha inay caddeeyaan xidhiidhka ka dhexeeya kooxda Wolverhampton oo ka ciyaarta heerka labaad ee Ingiriiska, dhowaana la filayo inay Premier League usoo dallacdo iyo wakiilka caanka ah ee Jorge Mendes.

Radrizzani waxa uu su’aal geliyey sharcinimada xidhiidh barta Twitterka ah oo dhex maray Wolves iyo Mandes markii ay dhamaatay ciyaar Arbacadii dhex martay labada kooxood oo ku dhamaatay 3-0 lagu niyad jebiyey Leeds United.

Mulkiilaha Wolves oo lagu magacaabo Fosun ayaa maalintaas sii baahiyey qoraal uu barta twitterka soo dhigay Mendes, taas oo shaki gelisay kooxaha heerka labaad ee Ingiriiska oo markii horeba dhegtu u taagnayd qiimaha ay Wolves ku iibsato ciyaaryahannada.

Wolves waxay kooxaha yaryari ku eedaynayaan inay ciyaaryahannada qiimo jaban oo ka hoosaysa inta suuqa ay ka joogaan ay ku iibsato, ama mushahar yar ay siiyaan, taas oo ay ka doonayaan maamulka ciyaaruhu inay baadhitaan ku sameeyaan isla markaana tallaabo ka qaadaan.