leicester-vs-portoLeicester City ayaa ciyaartii ugu horreysay abid ee Champions League ee garoonkeeda ka dhacda ku soo dhoweynaysa FC Porto.

Saadaasha Lineupka
Leicester: Schmeichel; Simpson, Huth, Morgan, Fuchs; Mahrez, Drinkwater, Amartey, Albrighton; Slimani, Vardy.
Porto: Casillas; Layún, Marcano, Felipe, Alex Telles; Danilo, Óliver Torres, Herrera, Otávio; André Silva, Adrián López.

Hadalladii labada tababare hawada isu-mariyeen:

Claudio Ranieri, Leicester City: Waxa uu sheegay in ay taageereyaasha u tahay habeen aad qaali ugu ah oo ay garoonkooda markii ugu horreysay ku dhex maqli doonaan heesta Champions League. Qaarkood ayuu uxay in ay u raaceen kulankii Bruge si ay heesta u dhegaystaan kooxdoodana sacabka ugu tumaan. Waxa uu amaanay weeraryahanka reer Algeria ee Islam Slimani oo kooxdiisu ay ka soo iibsatay Sporint Lisbon, kaas oo uu tibaaxay in wakhtigii uu Portugal joogay uu goolal badan ka dhaliyey Porto, khatarna uu ku noqon doono kooxdiisii hore. Riyad Mahrez ayuu sheegay in ay si fiican isu-ciyaar yaqaanaan, xulka Algeria na ay u wada ciyaaraan, taasina ay ka caawinayso in ay iskaashadaan markay garoonka ku jiraan.

Porto ayuu caddeeyey in uu ixtiraam badan u hayo, ayna tahay naadi khibrad fiican u leh ciyaaraha Yurub oo hore u soo ciyartay kulamo badan oo Champions League ah.
Nuno Espírito Santo, tababaraha Porto: Waxa uu carrabka ku adkeeyey khatarta weerarka, khadka dhexe iyo difaaca adag ee Leicester, laakiin ciyaartoygiisa ayuu kalsooni badan u muujiyey in ay leeyihiin awood ay guul ku gaadhi karaan garoonka King Power ee ay martida ku yihiin.
Milicsiga kulamadii horyaalladooda ee labada kooxood:
Leicester: Toddobaad aan farxad lahayn ayaa soo maray, waxaana isugu xigay laba guul-darro oo ay u kala xambaariyeen Chelsea iyo Manchester United. Lixdii kulan ee ugu dambeeyey saddex ayey badisay, saddexda kalena waa laga badiyey.

Porto: Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey saddex jeer ayey guuleysatay, laba barbar dhac ah iyo hal badis ah.

Ma Ogtahay:

  • In Claudio Ranieri uu kooxda Valencia u qaaday UEFA Super Cup sannadkii 2004, uuna ka guuleystay FC Porto oo ciyaartoygeeda uu ka mid ahaa Nuno oo ah tababaraha hadda, laakiin kursiga fadhiyey isagoo goolhaye ah.
  • In Leicester ay garoonkeeda kula kulantay laba guul darro oo kaliya 20-kii ciyaarood ee u dambeeyey ee dhamaan ciyaaraha kala duwan.
  • In Islam Slimani uu shan gool ka dhaliyey FC Porto saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu ka hor yimid.
  • In Porto 16 ciyaarood oo ay waajahday kooxaha Ingiriiska ay la kulantay guul darro 14 ciyaarood.