3:03 pm - Friday August 23, 5213

Liiska Kooxaha Mushaharka Ugu Badan Bixiya Iyo Naadiyada Kubada Gacanta Oo Ugu Sareeya

Aidarous

Cilmi baadhis cusub ayaa daaha ka fayday in kooxda Manchester City ay tahay naadiga lacagta ugu badani sanadkii kaga baxo mushaharka ciyaaryahanada u ciyaara.

Tirakoobka sanadka 2014 ee Mushaharka Ku Baxa Dunida Ciyaaraha kala duwan oo ay soo saartay Hayahada Intelligence 2014 (Global Sports Salaries Survey), ayaa ku tilmaantay kooxda haysata horyaalka wadanka Ingiriiska ee Man City in sanadkii aduun lacageed oo dhan 5.5 m oo Giniga Ingiriiska ahi kaga baxo mushaharada ciyaaryahanada iyo shaqaalaha naadigaasi, waxaana kaalinta labaad ku jira liiska la soo saaray, kooxda kubada gacanta laga tuuro ee loo yaqaan (Basketball)  ciyaarta  kana dhisan wadanka Maraykanka ee New York Yankees.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa kaalmaha saddexaad iyo afraad ku jira, kuwaas oo bixiya lacago isku dhow dhow sanadkii.

Liiska naadiyada iyo kharashka ka baxa oo dhamaystiranina waakan : –

THE PAY LEAGUE | Sport’s biggest wage bills

 

Kaalinta

Naadiga

Nooca Ciyaaraha

Kharashka

1

Manchester City

Football

€5,864,675

2

New York Yankees

Baseball

€5,810,543

3

Los Angeles Dodgers

Baseball

€5,627,073

4

Real Madrid

Football

€5,488,391

5

Barcelona

Football

€5,387,198

6

Brooklyn Nets

Basketball

€4,930,297

7

Bayern Munich

Football

€4,840,030

8

Manchester United

Football

€4,751,643

9

Chicago Bulls

Basketball

€4,381,386

10

Chelsea

Football

€4,380,101

11

Arsenal

Football

€4,288,906

12

New York Knicks

Basketball

€4,245,234

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Arsenal 3 – 1 West Ham : Gunners Oo Si Kumeel Gaadh Ah Kaalinta 4 aad U Fadhiisatay

Suurtagal Maaha In La Dhigo Rigoodhayaal Badan Ciyaarta El Clasico : Pepe

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: