Liiska Xulka Qaranka Mexico Ee Koobka Adduunka Oo Lagu Dhowaaqay Iyo Rafael Marquez Oo Markii Shanaad Tegaya Koobka Dunida Ugu Qiimaha Badan

Xulka qaranka Mexico ee ka qayb-geli doona Koobka Adduunka ayaa la shaaciyey, waxaana lagu daray difaaca ruug caddaaga ah ee Rafael Marquez oo noqonaya ciyaartoygii saddexaad ee markii shanaad ka qayb-gala Koobka Adduunka.

Tababaraha xulka qaranka Mexico ayaa u yeedhay Marquez oo ay da’diisu tahay 39 jir, waxaana uu sidaas kula sinmi doonaa Mothar Matthaus oo difaaca uga ciyaari jiray Jarmalka iyo Antonio Carbajal oo isaguna Jarmal ahaa.

Tababaraha oo liiskiisa kusoo koobi doona 23 ciyaartoy ayaa shaaciyey liiska hordhaca ah, kaas oo ay ku jiraan dhawr ciyaartoy oo saayid ah oo dhowaan uu ka tuuri doono liiskiisa.

Liiska xulka qaranka Mexico oo dhamaystiran waa sidan:

Goolka: Guillermo Ochoa (Standard Liege), Alfredo Talavera (Toluca), Jesus Corona (Cruz Azul).

Difaaca: Carlos Salcedo (Frankfurt), Nestor Araujo (Santos Laguna), Diego Reyes (Porto), Hector Moreno (Real Sociedad), Hugo Ayala (Tigres), Oswaldo Alanis (Guadalajara), Edson Alvarez (America), Jesus Gallardo (Pumas), Miguel Layun (Sevilla).

Khadka dhexe: Jesus Molina (Monterrey), Rafael Marquez (Atlas), Hector Herrera (Porto), Jonathan dos Santos (LA Galaxy), Andres Guardado (Real Betis), Erick Gutierrez (Pachuca), Marco Fabian (Frankfurt), Giovani Dos Santos (LA Galaxy).

Weerarka: Javier Hernandez (West Ham), Raul Jimenez (Benfica), Oribe Peralta (America), Jesus Manuel Corona (Porto), Carlos Vela (Los Angeles FC), Javier Aquino (Tigres), Hirving Lozano (PSV Eindhoven), Jurgen Damm (Tigres).


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.