Lionel Messi ayaa shacabka wadanka Argentina khudbad weyn ujeediyey , kadib markii Haweenayda Madaxweynaha ka ah dalkaasi ee Cristina Kirchner ku qaabishay caasimada Buenos Aires, oo ay sidoo kale ku sugayeen malaayiin shacabka wadankaasi ahi, xulka qarankooda ee ka soo gurya noqonayay ciyaarihii koobka aduunka oo ay ciyaartii gebo-gebada ku guuldaraysteen.

Muuq iyo maqal baahiyaha (Telefishanka) wadanka Argentina ayaa si toos ah looga baahinayay soo dhawaynta xidigaha Argentina, waxaana khudbad qiiro leh halkaas ka soo jeediyey ciyaaryahanka Messi, oo ay ku xeeran yihiin xidigaha kale ee xulkiisa iyo waliba madaxweynaha wadanka Argentina Marwo Cristina Kirchner.

Leo oo ku hadlayay luqada Isbaanishka ee wadankaasi lagaga hadlo ayaa waxa kamid ahaa weedhihii uu jeediyey:-

“Waxaan doonayaa inaan qof kasta uga mahad celiyo soo dhawayntan. Waxaan jeclaan lahaa inaan la soo guryo noqono anagoo koobkii sidna oo idinla damaashaadno. wax kasta waan samaynay oo suurto gal ahaa, laakiin nooma suurto gallin inaanu noqono kuwa qaada.”

In kasta oo Argentina guuldaro ka soo gaadhay ciyaartii Finalka, hadana darajada sanadkan ay gaadheen ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee ay Finalka u soo baxaan tan iyo sanadkii 1990 kii , markaas oo sidan oo kale xulka Germany kaga guulaystay Biladii dahabka ahayd.

Halkan ka daawo Khudbadii oo Dhamaystiran:=