8:16 am - Saturday August 19, 2017

Lionel Messi Oo qarka u saaran inuu noqdo laacibka ugu Mushaarka badan adduunka 

Khadar Dirir

Naadiga Barcelona ayaa isku diyaarineysa sidii ay waqtiga ugu dhow heshiis dheer uga saxeexan lahayd laacibkeeda reer Argentina ee Lionel Messi kaddib heshiiska labada dhinac oo inta badan qabsoomay.

El Mundo de Portivo ee ka soo baxda Spain ayaa qoraysa in heshiiska labada dhinac uu qabsoomay 85% isla markaana lagu wado in Messi uu goor dhow qallinka ku duugo heshiis dheer oo gaadhay ilaa 2019-ka taasoo ku qaadanayo mushaarka ugu badan ebid kubbada cagta adduunka.

Sidoo kale jariiradda ayaa soo jeedineysa in heshiiska la isku waafaqi doono ka hor koobka adduunka ee bilaabanaya bisha June. Lionel Messi oo isagu sannadan u fir fircooneyn sidii looga bartay ayaa u dhaliyay Barca 39-gool 42-kulan uu xagaagan u saftay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

RealMadrid Oo qorsheynaysa in Benzema ka Iibiso Arsenal si ay u hesho Suarez

War cusub: Barcelona Oo ciyaartoy la soo wareegi karta marka uu furmo suuqa kala iibsiga

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: