Lionel Messi: “Saaxiibkayga Ugu Wanaagsan Waa Dani Alves”

Lionel Messi ayaa markii u horreysay soo bandhigay saaxiibkiisa ugu fiican ee Barcelona, kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay Dani Alves oo ah shakhsiga ay isugu dhow yihiin Barcelona dhexdeeda.

Waraysi uu siiyey wargeyska FourFourTwo, ayaa uu laacibka reer Argentina waxa uu kaga hadlay xaaladda ciyaaryahanka Dani Alves oo la sheegayo in uu ka tegayo Barca, waxaanu tilmaamay in uu rajeynayo in uu sii joogo oo aanu ka tegin kooxdaas.

“Aad Ayaanu isugu dhow nahay qolka lebbiska Barca, gudaha iyo dibedda ciyaartaba. Mar kasta aad ayaanu isugu dhoweyn Dani Alves, garoonka dhexdiisana dhinaca midig ayaanu ka wada ciyaarnaa tan iyo markii aan kooxda koowaad ka mid noqday.” Ayuu yidhi.

“Sannado badan ayaanu wada qaadanay, garoonka gudihiisa iyo dibeddiisa. Maalinba maalinta ka dambaysa xidhiidhkayagu wuu sii xooganaysanayey, si fiican ayaananu isku caawinaynay garoonka dhexdiisa; taas macnaheedu waa in aanu si fiican isku fahamnay ciyaar walba.” Ayuu raaciyey.

“Koox ahaan, waxa aanu isku daynaa in aanu si bulsho ahaan ah wax ku xallino.”

Messi oo la weydiiyey in noloshiisu isbeddeshay tan iyo markii uu u dhashay wiilkiisa curad ee Thiago, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Way ka duwan tahay tii hore, sababtoo ah qof walba qof waxa uu leeyahay wakhti aanu ciyaaraynin oo uu qoyskiisa la qaato.

“Masuuliyado kala duwan ayaa na saaran, in badan oo naga mid ah carruur ayay leeyihiin ay iskuulka ka soo qaadaan ama ay wakhti hore seexiyaan – wax kasta oo aad carruurtaada u samayso wakhti ayay kaa qaadanaysaa.” Ayuu raaciyey.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
4/5 - 1
You need login to vote.

Benzema Oo La Dhigay Cusbitaal Ku Yaalla France

Barcelona vs Bayern Munich, Real Madrid v Juventus – Isku Aadka Champions League Oo La shaaciyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com