AC Milan Oo Dhibic Dirqi Ah Ka Boobtay Sampdoria – Video

AC MILAN

AC Milan ayaa barbar dhac ay ku rafaadday ka heshay ciyaar adkayd oo garoonka San Siro ay isku haleeleen naadiga Sampdrodia.

Labada kooxood oo aad isugu dhaarsanaa ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurux badnayd, taas oo ay labada kooxood si aad ah uga dhex muuqdeen Samuel Eto’o oo Sampdoria u ciyaarayey iyo Jeremy Menez oo hoggaaminayey ciyaartooyada AC Milan.

Inkasta oo ay labada kooxood weerarro badan isku qaadeen qaybta hore, haddana umay suurtogelin in ay wax goolal ah kala dhaliyaan, iyagoo ku kala nastay 0-0.

markii la isugu soo noqday qaybta dambe, ayaa kubadda uu si qurux badan u farsameeyey Samuel Eto’o uu shabaqa AC Milan ku hubsaday weeraryahanka Soriano.

Goolkan ayaa firfircooni iyo ficil dheeraad ah geliyey ciyaartooyada Milan kuwaas oo dhawr jeer ku sigtay in ay shabaqa kubadda dhex dhigaan, hase yeeshee umay suurtogelin illaa laga gaadhayey daqiiqaddii 74aad markaas oo De Jong uu kubbad ku toogtay goolka Sampdoria ay ku sii dhacday mid ka mid ah ciyaartooyada difaaca uga ciyaara kooxdaas isla markaana si sahlan u dhex gashay goolka, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay barbar dhac 1-1.

De Jong

AC Milan waxa sugaysa ciyaar aad loo naawilayo oo toddobaadka dambe ay isku haleeli doonaan Inter Milan oo ay isku magaalo yihiin.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ashley Young: “Waxay ahayd guul cajiib ah”

Man City Wey I Bah-Dishay :- Manuel Pellegrini

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com