3:16 pm - Monday January 20, 3631

Madrid-yadii oo Maryo Dhiigleh Kala Furtay Isna Marri Waayay + Sawiro

281 Viewed Aidarous Comments Off on Madrid-yadii oo Maryo Dhiigleh Kala Furtay Isna Marri Waayay + Sawiro

Goolwadaha Real Madrid ee Iker Casillas ayaa jebiyey rikoodhka safarashada horyaalka Yurub ee Champions League ciyaar maryo dhiig leh la kala furtay oo kooxdiisu marti u ahayd naadiga ay xafiiltamaan ee Atletico Madrid is araggii koobaad ee rubuc dhamaadka horyaalkaasi.Madrid Derby oo Maryo Dhiig leh la kala furtay 7

Halyeyga reer Spain ayaan qaban shaqo sidaas u badan ciyaartiisii 147 aad ee Champions League oo uu safto kulankan kooxdiisa lagu qabtay barbar dhaca 0-0 ka ah geggida Vicent Caldron.

Laakiin goolwadaha ka soo horjeeday ee Jan Oblak ayuu ahaa xidiga ciyaartu kaas oo badbaadiyey qaybtii hore kubado lala hortagey oo ay ku jirtay midii Gareth Bale kula soo baxay balse uu shabaqa ka leexiyey.Madrid Derby oo Maryo Dhiig leh la kala furtay 8

Mario Mandzukic ayuu ahaa ninka dhiiga shalaqsaday ee dagaalkii uu ku bilowday ku dhamaystay , waxaase Madrid ciyaarta dambe ka maqnaan doona oo ay adhaxda uga jabi doontaa Marcelo oo huruud qaatay ciyaarta dhexdeeda.

Labada naadi ayaa ciyaarta is aragga labaad kulmi doona 22 ka bishan April iyo garoonka Bernabeu.Madrid Derby oo Maryo Dhiig leh la kala furtay 1 Madrid Derby oo Maryo Dhiig leh la kala furtay 2 Madrid Derby oo Maryo Dhiig leh la kala furtay 3 Madrid Derby oo Maryo Dhiig leh la kala furtay 4 Madrid Derby oo Maryo Dhiig leh la kala furtay 5 Madrid Derby oo Maryo Dhiig leh la kala furtay 6

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Vidal Oo Rigoodhe Ku Kala Saaray Juventus Iyo Monaco + Sawiro

Eric Cantona: Man Utd way ku guulaysan kartaa horyaalka 2016 ee Premier League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com