Awdal 2-0 Sanaag – Dib U Daawo Ciyaartii Oo Dhamaystiran

Dib u daawo ciyaartii Hargeysa Stadium ku dhex martay xulalka Goboladda – Awdal iyo Sanaag ee Tartanka Goboladda Jamhuuriyada Somaliland.

Ciyaartan, xulka Gobolka Awdal ayaa ku badiyey 2-0, waxaanay kaalinta labaad ka galeen Group ka A ee Tartanka Gobolada heerkiisa gebo-gebada, kaalinta koobaad gobolka Saaxil oo xaysimo ku caraabiyey 6-0 maalintii furitaanka ee Khamiistii, ayaa ku jira,

Daawasho Haboon

Xulka gobolka Sanaag oo ka mid ah afar gobol oo ka soo baxay Burco, ayaa waxa uu halkan ku soo gaadhay laba ciyaarood oo uu barbar dhac la galay, gobollada SOOL iyo Saraar, waxaana uu Hargeysa u soo dhaqaajiyey, nasiibkooda wanaagsan iyagoo kaashanaya sittana laba dhibcood, halka ay jireen gobollo ku hadhay 4 dhibcood.

Awdal waxa uu ahaa gobolkii Martigeliyey wareeggii hore ee ciyaaraha ee ka dhacay Borama. Waxay isku hormo ahaayeen, Hawd, Maroodi Jeex iyo Buuhoodle.