Barcelona Oo Guul Baryo Ah Valencia Xili Dambe Ku Muquunisay

Leo Messi ayaa ku guuleystay ciyaar xamaasadeedu cirka tahay, wadar shan gool ahna la isku dhaliyey oo ay kaga dul talaabsadeen Valencia rigoodhe uu ilbidhiqsiyadii u dambeeyey ka xareeyey, kaas oo sababay kacdoon taageerayaasha martida loogu ahaa geggida Mestalla Stadium, caagado biyo ahna lagu shiiday xidigihii Barca ee damaashaadka samaynayay.

barcelona-oo-guul-baryo-ah-ka-gaadhay-valencia-6

Messi intuu hor istaagay taageerayaasha Valencia, ayuu qaylo iyo eegmo cadho leh ku eegay, xili ciyaaryahanada labada kooxood mid mid isku qabsadeen kadib markii garsooruhu dhameeyey ciyaarta isla markii la isku taabtay kubbada ka soo noqotay goolkii guusha.

barcelona-oo-guul-baryo-ah-ka-gaadhay-valencia-5

Andres Iniesta ayaa dhaawacii ugu xumaa ciyaarta ka soo gaadhay, waxaanay Barcelona ku dhawaaqday inuu ugu yaraan laba bilood garoomada ka maqnaan doono.

Barcelona ayaa ku hor martay gool dhalinta, waxaana u saxeexay Lionel Messi, kubbad uu Luis Suarez u muuqday mid Offside ku jira, Munir El Haddadi oo kursiga kaydka ka soo kacay qaybtii dambe ayaa goolka barbar dhaca ah ka xareeyey kooxdiisa uu amaahda kaga maqan yahay.

Rodrigo ayaa Vallencia gool labaad oo ay hogaanka ku qabatay u saxeexay, laakiin Suarez ayaa ka dhaliyey kii ciyaarta simay, ka hor intii aanu Messi rigoodhe ku soo khatimin, kooxdiisana guusha ugu saxeexin.

barcelona-oo-guul-baryo-ah-ka-gaadhay-valencia-4 barcelona-oo-guul-baryo-ah-ka-gaadhay-valencia-3 barcelona-oo-guul-baryo-ah-ka-gaadhay-valencia-2 barcelona-oo-guul-baryo-ah-ka-gaadhay-valencia-1

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Waa Cusub Kubada Cagta Dalka Djibouti

Middlesbrough Oo Soo Af-jartay Guulihii Arsenal Ee Horyaalka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com