Bayern Munich Oo Si Xarago leh Ugu Gudubtay Rubuc Dhamaadka Champions League

Bayern Munich vs Shakhtar

Kooxda Bayern Munich ayaa si xarago leh ugu gudubtay rubuc dhamaadka horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League kadib markii ay 7-0 gurigeeda Aliaz Arena kaga dul talaabsatay naadiga Sakhtar Dontsk.

Muller ayaa is raaciyey laba gool oo daran doori ah ,waxaana ciyaarta loo aanayn karayay in casaankii la siiyey Kucher oo xanaaqadeeyey Gotze daqiiqadii saddexaad ay kala dhantaashay dheeli tirkii.

Boateng, Ribery, Badstuber , Lewandowski iyo Mario Goetze ayaa iyaguna dhamaantood min gool dhaliyey, kuwaas oo sahlay in Munich si xarago leh sakhtar Donestk u gawracdo ugana reebto kooxda reer Ukraine horyaalka Champions League.

Ciyaartii hore ee labada kooxood ku soo dhex martay SHAKHTAR DONETSK ayaa ku dhamaatay 0-0 , taas oo ka dhigan in Bayern guul weyn kulanka labaad ee garoonkeeda Aliaz Arrena lagu ciyaarayay ku gaadho.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Saadaashii shabakadda cadalool ee garsooraha Clasico oo Rumowday

Oxlade-Chamberlain Oo Qalliin Lagu Samaynayo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com