Bayern Munich Oo Dhulka La Sintay Kooxdii Raad-baradka Noqotay Ee Porto

Wakhtigii kale ee uu Pep Guardiola u baahnaa inuu dareemo farxad iyo rayn rayn, shidaalna uga dhigan lahaa xiliyada u hadhay mustaqbalkiisa tababarenimo ee kooxda Bavaria — ayaa xallay hortiisa yimid — wuxuu xidhay hal xidhaale, su’aashiisu tahay – ma fahansan tahay ama ma garanaysaa tirada 115.?.Bayern Oo Sida Daadka ugu fatahday Porto
Jawaab fudud – waa tirada goolasha kooxda tababareGuardiola ee Bayern dhalisay intii xili ciyaareedkan ay soo ciyaartay, tiro ugu filnaatay inay u saarto afarta kooxood ee ugu dambeyn isugu soo hadhaya horyaalka Yurub ee Champions League, Ciyaarta gunaanadka ee German Cup Iyo cadadka dhibcaha ah ee ay hogaanka Bundesliga ku hayso.

Waxay ahayd ciyaar qosol qosol ah, hadana si u adag, waase kubada cagta iyo caadadeed.
Wuxuu Guardiola laftigiisu is leeyahay ama is weydiinayaa halka ay ka jabtay FC Porto iyo sida wax u dhaceen, waayo kuma uu wadin, laakiin si kastaba xaal ha noqdee waa faraxsan yahay odeygu.

Bayern Munich oo xasuuqday Porto 12Bayern Munich ayaa wacdaro iyo mucjiso ay soo bandhigtay qaybtii hore ee ciyaarta, si ay uga aarsato mashaqada ciyaartii is aragga hore qabsatay, ku xasuuqday Porto una gudubtay semi finalka Champions League.
Natiijadii ay u baahnayd oo ahayd guul 2-0 ah, Bayern waxay xoogsatay 22 daqiiqo oo kaliya markii ay ciyaartu socotay, kuwaas oo ay mahad ugu hayso xidigaha Thiago iyo Jerome Boateng oo kubado madax ah u dhaliyey.
Robert Lewandowksi ayaa sii kordhiyey halka Thomas Muller darbad uu qabadsiiyeyna 4-0 ciyaarta ka dhigtay wax yar uun ka hor intii aanu Lewandowski goolka shanaad raacinin isla qaybtii hore ee ciyaarta.
Wallow Jackson Martinez uu inyar oo rajo aan waxba ma tarto ah qaybtii dambe gelliyey Porto , hadana waxaa sii adkeeyey oo kooxdii kala daadsanaanta baahsan qaybtii hore ku jabtay dhirbaaxo ku noqotay casaankii uu qaatay Ivan Marcano labaataneeyo daqiiqo ciyaarta oo ay ka dhiman yihiin, iyo goolkii gunaanadka ee uu ku soo af jaray Xabi Alonso.Bayern Munich oo xasuuqday Porto 11 Bayern Munich oo xasuuqday Porto 10 Bayern Munich oo xasuuqday Porto 9 Bayern Munich oo xasuuqday Porto 8 Bayern Munich oo xasuuqday Porto 7 Bayern Munich oo xasuuqday Porto 6 Bayern Munich oo xasuuqday Porto 5 Bayern Munich oo xasuuqday Porto 4 Bayern Munich oo xasuuqday Porto 3 Bayern Munich oo xasuuqday Porto 2 Bayern Munich oo xasuuqday Porto 1

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xaaladda Barca v PSG

Barcelona Oo Cashar U Dhigtay PSG, Una Gudubtay Semi-finalka Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com