Xulka Spain Oo Ku Durduray Belgium Iyo Tababare Martinez Oo Lagu Qayliyey

Xulka kubadda cagta Spain ayaa 2-0 ku dhuftay Belgium oo uu gadh-wadeen ka yahay tababare Martinez iyo gacan-yarihiisa Thierry Henry.

Spain oo sidoo kale uu watay Julen Lopetegui oo beddelay Del Bosque ayaa waxa ay foodda isku dareen Belgium garoonka King Baudouin Stadium ee magaalada Brussels, waxaana farxad la dareeray Spain oo laba gool uu daqiiqadihii 34aad iyo 62aad u dhaliyey xiddiga khadka dhexe ee David Silva.

Intii ay ciyaartu socotay, waxa uu xulka qaranka Spain soo bandhigay ciyaar farsamadeedu sarrayso, taas oo ay marba dhinaca kaga imanayeen reer Belgium, laakiin waddanka ciyaartoyga badan haysta ee caasimaddiisa lagu ciyaarayey laftoodu may liidanin inkasta oo laga gacan sarreeyey.

Xiddiga garoonka oo ahaa David Silva ayaa markii uu labada gool u dhaliyey qarankiisa Spain, waxa isbeddelay jewigii garoonka, waxaana ay taageereyaasha martida loo ahaa bilaabeen inay ku qayliyaan tababarahooda Roberto Martinez iyo Thierry Henry oo maalmo ka hor uun loo magacaabay tababare ku-xigeenka xulka qaranka Belgium.

Belgium ayaa daqiiqadihii u dambeeyey ee ciyaarta, waxay u muuqdeen inay goolka sharafta dhashanayaan, laakiin nasiibka ayaa ka diiday, sibeddelo badan oo uu sameeyey tababaruhuna waxba ugama ay suurtogelin inay goolal dhaliyaan.

Ciyaartoygii labada kooxood:

Belgium (4-2-3-1): Courtois, J Lukaku, Vertonghen, Alderweireld, Meunier, Witsel, Nainggolan (Dembele 46), E Hazard, De Bruyne (Defour 87), Carrasco (Mirallas 77), Origi (R Lukaku 67)

Beddelka aan ciyaarin: Mignolet, Sels, Batshuayi, Benteke, Dendoncker, T Hazard, Kabasele, Mertens

Spain (4-1-4-1): De Gea, Alba (Azpilicueta 60), Ramos, Pique (Bartra 59), Carvajal (Roberto 85), Busquets, Silva (Lucas 75), Koke, Alcantara, Vitolo (Niguez 75), Morata (Costa 27)

Beddelka aan garoonka soo gelin: Reina, Adrian, Asensio, J Martinez, Mata, Nolito, Alcacer