Lewandowski Oo Kooxdiisii hore Uga Hiiliyey Naadigiisa Cusub – Bayerna 10 Dhibcood Oo Nadiif Ah Hogaanka Horyaalka Ugu Dhiibay

Ciyaaryahanka Robert Lewandowski ayaa u horseeday kooxda Bayern Munich inay 1-0 ku garaacdo kooxdii uu ka tirsanaan jiray xagaagana uu ka soo wareegay ee Borussia Dortmund ciyaar horyaalka Bundesligaha Germany ku tirsanayd oo Sabtidii labada kooxood ku dhex martay garoonka Signal Iduna Park.Bayern oo tuntay Borussia Dortmund 2

Xidiga xulka Poland, Lewandowski ayaa goolka guusha dhaliyey markii koobaad ee uu dib u soo booqday naadiga , uu heshiis xor ah kaga dhaqaaqay xagaagii tagey, kaas oo kooxda tababare Pep Guardiola dib ugu celiyey 10 kii dhibcood ee nadiifta ahaa ee ay ku hayeen hogaanka horyaalka Bundesliga.Bayern oo tuntay Borussia Dortmund
Lewandowski oo ku soo qaatay 10 sanno Dortmund, maraaxil kala duwan oo niyad jab iyo farax lahaabana kula soo mushaaxay mudada intaas leeg, ayay taageerayaasha kooxdu u sacabiyeen markii uu shabaqa ku shubay kubad madax ah 10 daqiiqo ka hor dhamaadka qaybtii koobaad ee ciyaarta.Bayern oo tuntay Borussia Dortmund 5 Bayern oo tuntay Borussia Dortmund 4 Bayern oo tuntay Borussia Dortmund 3

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Saul iyo Griezmann oo kaalinta 3 aad u diray Atletico Madrid

Chelsea oo Dirqi Kaga Baxsatay Stoke Kuna Sii Siqaysa Guusha Horyaalka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com