Rooney Oo Miyir Beelay Markii Tartan Feedh Ah Oo Uu Ka Qayb Galay Dhulka Loogu Tuuray

Wayne Rooney ayaa dhulka ku dhacay oo galay xaalad biyir beel ah markii uu tartan feedh ah ka qayb galay, waxaana la daawaday isaga oo dhulka yaalla oo koomo ku jira.

Rooney

Wayne Rooney ayaa raadinaya xirfaddii uu uga wareegi lahaa kubadda cagta, waxaanu tartan feedh-feedh ah oo muran dhaliyey la galay difaacyahanka Stoke City ee Phil Bardsley.

Kabtanka Manchester United oo xidhan golofisyada feedhka loogu talo galay oo ay is ag taagan yihiin Bardsley, ayaa laga soo qaaday muuqaallo, waxaana labadan ciyaaryahan oo si aad ah u xiiseeya Feedhka loo turjumay in ay xirfaddooda kubadda cagta uga guuri doonaan feedhka.

Phil BardsleyTartankan ay labada nin isaga hor yimaaddeen oo aan si dhab ah loo shaacinin wakhtigii uu dhacay ayaa la aaminsan yahay in ay ahayd horraantii sannadkan.

Rooney iyo Bardsley waxa ay ahaayeen saaxiibo isku dhow markii ay ka wada ciyaari jireen Manchester United, iyadoo uu difaacyahan Bardsley sannadkii 2008 uu ka tegay Old Trafford kuna biiray Sunderland.

Dhacdadan ay sawiradeedu warbaahintu aadka u baahisay ayaa Rooney ku keenaysa su’aalo badan oo aanu jeclaysanin kuwaas oo ay weydiin doonaan maamulka kooxdiisa oo aan u ogolayn in uu dhaqdhaqaaqyo ka baxsan kubadda cagta sameeyo.

Tababare Louis van Gaal ayaa ka dhigay Rooney kabtanka rasmiga ah ee Manchester United, waxaanu noqday ninka koobaad ee haddii uu caafimaad qabo la hubo in uu ciyaar walba u safanayo kooxdaas, laakiin tababaraha ayaan ogolaan doonin uu laacibkani ku lug yeesho feedhka oo laga yaabo in uu khatar ku noqdo xirfaddiisa kubadda cagta.

Rooney ayaa taariikh ahaan ku xidhiidhsan bahda Feedhka, waxa uu hore u soo dhigay boggiisa bulshada ee Instagram isaga oo la sawiran feedhyahannada caanka ah ee Lennox Lewis iyo Amir Khan oo dunidu ku tixgeliso heerka ay ka gaadheen feedhka.

Lennox Lewis (bidix), Amir Khan (dhexda) iyo Rooney (midig)

Lennox Lewis (bidix), Amir Khan (dhexda) iyo Rooney (midig)

Toddoba sannadood ka hor, Rooney ayaa sheegay in yaraantiisii uu baran jiray feedh-feedhka taasina ay ka caawisay sidii uu u noqon lahaa ciyaartoy kubadda cagta ah oo wanaagsan.

“Waxay ila tahay tababarkaygii feedhku in uu faa’iido u yeeshay horumarkayga kubadda cagta, khaasatan neefsiga iyo la-qabsga Premier League anigoo da’ yar” sidaas ayuu yidhi Rooney sannadkii 2008.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

SAFARKA DHIMASHADA: Naftaada Maku Aamini Lahayd Halkan

Schalke Oo Shaacisay Inay Heshiis La Galayso Khedira

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com