Chelsea Oo U Dhaqaaqday Iibsiga Xiddiga Liverpool ee Henderson

Kooxda kubadda cagta wadanka Ingiriiska ka dhisan ee Chelsea ayaa la sheegay in ay dooneyso in ay heshiis la gasho, isla markaana ay lacag badan ku bixiso iibsiga ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Henderson.

Sida uu qoray wargeyska Daily Star ee ka soo baxa dalka UK, Chelsea ayaa qorshaysay in ay lacag badan oo mushahar iyo gunno ah siiso xiddigan khadka dhexe ee madaalaha ah, kaas oo dhowaan diiday in uu kooxdiisa Liverpool u saxeexo heshiis cusub.

Liverpool ayaa u soo bandhigtay Jordan Henderson in uu u cusboonaysiiyo heshiiska iyadoo lacagta mushaharkiisana laga dhigayo £80,000 toddobaad kasta, hase yeeshee ciyaaryahanka ayaa hoos u dhigay ka hadalka heshiiska cusub, kaas oo uu u sheegay kooxdiisa in aan la joogin wakhtigii laga wada hadli lahaa.

Ma cadda in uu saluugsan yahay lacagta iyo inkale, laakiin sida ay wararku sheegayaan arrintan ayaa mushkilad cusub ku noqon doonta kooxdaas oo marka horeba la tacaalaysay Raheem Sterling oo diiday in uu heshiiska u kordhiyo isla markaana loo badinayo in uu kooxda ka tago sannadka dambe.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ronaldo Oo La Sinmay Di Stefano Iyo Messi

Saamiilaha Ugu Weyn Arsenal oo Go’aamiyey Ciyaartooyada ay Kooxdu Iibsanayso Bisha June

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com