2:53 pm - Saturday July 29, 2017

Celtic Oo Lugaha Isaga Duubtay Manchester City Iyo Barcelona Oo Dirqi Ku Dhaaftay Monchengladbach

Aidarous

barca

Kooxda kubadda cagta Celtic ayaa heshay dhibicdeedii u horreysay ee tartanka Champions League, kaddib markii ay barbar dhac 3-3 ah ku kala baxeen naadiga Manchester City.

Ciyaartan oo ak dhacday caasimadda waddanka Scotland ee Glasgow ayaa markii ay ciyaartu socotay 3 daqiiqo oo kaliya waxa gool qurux badan ku ruxay shabaqa Manchester City ciyaartoyga madow wee Moussa Dembele, laakiin Fernandinho ayaa daqiiqaddii 12aad barbarreeyey.

Ciyaarta oo halkaa maraysa, ayaa waxa gool labaad heshay Celtic kaas uu iska dhaliyey Raheem Sterling, hase yeeshee, naxdin muu qaadine goolkii ayuu isaga soo baday daqiiqaddii 28aad.

Markii laga soo noqday haafkii ee qaybta dambe ay bilaabantay ayaa waxa gool kale dhaliyey Moussa Dembele oo ahaa gool ma gafaha ciyaarta, laakiin weeraryahanka reer Spain ee Nolito ayaa ciyaarta ku soo celiiyey barbar dhac, waxaana lagu kala baxay 3-3.

Celtic iyo City waxay ka tirsan yihiiin Group C oo ay ku wehelinayaan Borussia Moenchengladbach iyo Barcelona oo ciyaartoodoodii ku kala baxay 1-2.

Groupkan Barcelona ayaa hoggaaminaysa oo leh 6 dhibcood, kaalinta labaadna Manchester City oo 4 dhibcood leh iyo Celtic oo 1 dhibic kaliya xoogsatay halka Borussia Moenchengladbach aanay wali guul afka saarin.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Arsenal Oo Ku Durdurisay Basel Iyo PSG oo Guul-sahlan gaadhay

Atletico Madrid Oo Ciyaartii Qarniga Ku Qaabishay Bayern Munich, Guulna Gaadhay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: