Chelsea oo Dirqi Kaga Baxsatay Stoke Kuna Sii Siqaysa Guusha Horyaalka

Chelsea ayaa dirqi iyo tu xun kaga baxsatay kooxda Stoke City kadib markii gool rigoodhe ah oo ay la timid lagu bareejeeyey mid aad u qurux badan oo 66 yrd meel goolka u jirta laga toogtay , laakiin The Blues aakhirkii 2-1 guushu ku raacday garoonka Stamford Bridge.Chelsea oo dirqi kaga badbaaday Stoke 1

Naadiga tababare Jose Mourinho oo ku sii siqaya guusha horyaalka sanadkan , iyagoo ku hogaaminaya 7 dhibcood oo nadiif ah, ayaa ku sigtay inay ku simbiririxdaan Stoke.Chelsea oo dirqi kaga badbaaday Stoke 2

Cesc Fabregas xanaaqad lagu dhex legtay diilinta ganaaxa dhexdeeda, rigoodhihii loo dhigayna uu dhaliyey Eden Hazard ayay Chelsea hogaanka ku qabatay daqiiqadii 39 aad ee ciyaarta, balse ciyaaryahan Charlie Adam ayaa meel fog ka toogtay goolka Chelsea shabaqana ku ruxay shan daqiiqo kadib iyo ilbidhiqsiyo ka hor nasashada qaybtii hore ee ciyaarta, kaas oo shib ka dhigay sawaxankii geggida Stamford Birdge .Chelsea oo dirqi kaga badbaaday Stoke 3

Daqiiqadii 62 aad ee ciyaarta ayay markale Chelsea hogaanka qabatay , waxaana goolkaas oo ka guusha noqday magaciisa ku qoray xidiga wacdaraha la soo baxay ee Loic Remy, ciyaartuna waxay ku dhamaatay 2-1 ay Blues saddexda dhibcood ku qaadatay.Chelsea oo dirqi kaga badbaaday Stoke 4Chelsea oo dirqi kaga badbaaday Stoke 5 Chelsea oo dirqi kaga badbaaday Stoke 6

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Lewandowski Oo Kooxdiisii hore Uga Hiiliyey Naadigiisa Cusub – Bayerna 10 Dhibcood Oo Nadiif Ah Hogaanka Horyaalka Ugu Dhiibay

Juventus Oo Ku Sii Durugtay Guusha Horyaalkii 31 Aad

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com