David Luiz Oo Casaan Qaatay Ciyaar Chelsea Iyo Arsenal Isku Mari Waayeen

David Luiz ayaa kaadhka casaanka ah la siiyey dhamaadka ciyaartii Chelsea iyo Arsenal ku kala baxeen barbar dhaca gool la’aanta ah.

Difaacyahan Luiz ayaa casaan toos ah lagu siiyey kadib markii uu xanaaqad xun ku sameeyey Sead Kolasinac daqiiqadii 87 aad ee ciyaartan bilowgiiba kooxda lagu naanayso the Gunners laga diiday gool uu madax ugu dhaliyey Shkodran Mustafi.

Naadiga dhar buluuglayda, fursadii ugu qaalisanayd ee soo marta, waxaa meel fog mariyey Pedro, qaybtii hore.

Natiijadani waxay so oaf-jartay – rikoodhkii – shanta ciyaarood ee guuldarada ah ahaa ee Arsenal horyaalka Premier League kula kulantay geggida Stamford Bridge.

Leave a Reply

Your email address will not be published.