Chelsea Waxay Dur-duro Ku Dhaaftay United – 10 Dhibcood Oo Nadiif Ah Iyo Hogaanka

Chelsea oo Jiirta kaga baxday United 1Chelsea ayaa u jirta Laba guulood oo kali ah oo ay ka gaadho ciyaaraha u hadhay guusha horyaalka Ingiriiska kadib markii ay caawa fiidkii gool uu u dhaliyey Eden Hazard guul kaga gaadhay kooxda Manchester United.

Ciyaartan ka dhacday geggida Stamford Bridge oo ay inta badan kubada gacanta ku haysay siday doontana u maamulaysay kooxda United , ayaanay u suurto gallin inay furaan difaaca birta ah ee Chelsea oo ilaashanayay goolka kaliya ee guusha u horseeday oo yimid daqiiqadii 38 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta, wixii intaas ka dambeeyeyna naadiga The Blues waxay ahaayeen kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq hanaan ah isticmaalayay.Chelsea oo Jiirta kaga baxday United 2

Waxaana la maqlayay markii uu dhacay siidhigii dhamaadku, ciyaaryahanada Chelsea oo dhamaantood farxad qaylinaya , sawaxankana ku daray , kumanaankii taageerayaasha ahaa ee buux dhaafiyey garoonka Stamford Bridge , sidii oo guushani tahay , tii u horseedaysay ama ugu dambeysay ee ka xigtay inay qaadaan bilada Horyaalka sanadkan ee Premier League Champions.Chelsea oo Jiirta kaga baxday United 3

Chelsea ayaa horyaalka ku hogaaminaysa 10 dhibcood oo nadiif ah , waxaanay ka war dhawri doonta ama isu taxalujin doontaa inay 2 kulan oo kaliya guulaysato ciyaaraha lixda ah ee uga dhiman Horyaalka sanadkan.Chelsea oo Jiirta kaga baxday United 4 Chelsea oo Jiirta kaga baxday United 5

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

RIKOODH CUSUB :- Arsenal Oo Markii 19 aad Finalka FA U Gaadhay

Ronaldo oo Lumiyey Rigoodhe Laakiin Soo Gudey Wakhti Dambe Kulan Ay Malaga Ku Karbaasheen

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com