Detroit Pistons Oo Dhulka La Dhacday Cleveland Oo James Ka Maqnaa

Isniin xun ayey u ahayd kooxda kubadda kolayga ee Cleveland Cavaliers kulan ay booqasho ugu tageen naadiga Detroit Pistons, kuwaas oo la kulmay guul-darro qadhaadh.

Cleveland Cavaliers oo uu ka maqnaa xiddoogda LeBron James oo fasax la siiyey ciyaarta ayaa ciyaartay habeenkii labaad ee isku xiga, kaddib guul ay hal dhibic oo dirqi ah Axaddii kaga qaateen Golden State Warriors oo ay ku kala baxeen 109-108, laakiin ciyaarta xalay ayaa si aad ah looga awood batay wiilasha guusha ay mataanaha noqdeen ee Cleveland Cavaliers.

40-kii daqiiqadood ee ay ciyaartu socotay, markii lagu dhuftay siidhiga dhamaadka ayaa ay Detroit Pistons xaqiijisay inay 106 dhibcood ka heshay ciyaarta Cavaliers oo iyaduna dhashatay 90 dhibcood.

Wiilasha kubadda hibada u leh ee Kyrie Irving iyo Kevin Love oo wacdaro dhigayey kulamadii u dambeeyey ayaa kooxdooda ka badbaadin kari waayey guul-darrada qadhaadh ee dhibcaha badan lagaga badiyey, waxaana laga dareemay in kooxdu aanay guulo gaadhi karin LeBron James la’aantii.

Irving oo warbaahinta la hadlay markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa eedda guul-darrada u xambaariyey naftiisa iyo Keving Love oo uu tibaaxay inay guul-darro ka badbaadin kari waayeen kooxdooda iyadoo uu James maqan yahay, taageereyaasha iyo tababaruhuna guusha ka filayeen.

Irving ayaa ciyaarta dhaliyey 18 dhibcood halka uu kulankii hore ee Golden State Warriors uu saxeexay 33 dhibcood. Love oo isaguna ahaa ciyaartoyga labaad ee ugu dhibco dhalinta badan Cleveland kulanka xalay ayaa waxa uu dhaliyey 17 dhibcood oo kaliya.

Cleveland waxa kale oo madax xanuun ku noqotay Irving oo goolka toogtay 20 jeer, waxa uu ka keenay siddeed dhibcood oo kaliya, laakiin siddeed gool oo kale ayuu ka shaqeeyey, halka uu kubbad qabasho (rebound) uu sameeyey. Love ayaa isaguna ka sokow 17ka dhibcood ee uu dhaliyey, waxa uu goolka toogtay 14 jeer oo uu ka keenay 6 dhibcood oo kaliya, waxase u dheeraa in uu sameeyey 14 kubbad-qabasho (rebound), hal caawin, laba kubbadood oo uu ka xaday ciyaarta Pistons iyo hal block.

Kulankan guul-darrada ay Cavaliers la kulantay waxa uu ahaa kii ugu horreeyey ee labada ciyaartoy ee Irving iyo Love ay wada saftaan iyadoo uu James ka maqan yahay tan iyo xili-ciyaareedkii 2014-15.