Benzema Oo Dhaawac Kaga Maqnaanaya Ciyaaraha Malaga iyo Atlético Madrid

Karim Benzema ayaa laga saaray garoonka tababarka Jimcihii maanta kadib markii uu awoodi kari waayey in uu kooxda la qato tababarka.

Garoonka tababarka ee Valdebebas ayaa laga saaray weeraryahanka reer France, iyadoo la arkayey in jilibka lugta midig uu kaga duuban yahay Baandhayj, waxaana markii hore ee uu garoonka soo galay uu isku dayey in uu ordo, kubadda la ciyaaro saaxiibadii, hase yeeshee daqiiqado yar kadib ayuu sii wada kari waayey shaqadaas xanuun hayey darteed.

Kadib markii ay ereyo kooban isweydaarsadeen tababare Carlo Ancelotti, toos ayuu Benzema uga baxay garoonka tababarka iyadoo uu wehelinayo mid ka mid ah dhakhaatiirta kooxdu.

 Benzema iyo Bale ayaa labaduba Khamiistii ku qaatay jimicsi jidhka ah iyadoo ay jireen dhaawacyo yaryar oo ay ka cabanayeen, hase yeeshee Gareth Bale si fiican ayuu kooxdiisa tababarka ula qaatay Jimcaha maanta halka uu Benzema u muuqdo in aanu awoodi kari doonin in uu kooxdiisa u ciyaaro toddobaadkan.

Waxa la filayaa in uu seego kulanka Sabtida ay Real Madrid la ciyaari doonto Malaga iyo ciyaarta labaad ee Champions League ee ay wada ciyaari doonaan Atletico Madrid Arbacada.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Suarez, Neymar, Modric, Oblak Iyo Jackson Oo Hoggaaminaya Kooxda Toddobaadka Ee Champions League

Chelsea Oo Noqotay Kooxda Ugu Akhlaaqadda Xun Premier League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com