Europa League: Isku-Aadka Wareegga 8-Da Kooxood Iyo Sida Laysku Haleeli Doono

Europa League11

Kooxda ka dhisan wadanka Italy ee Napoli ayaa afka ka gashay naadiga loogu hadal haynta badan yahay tartanka Europa League ee Wolfsburg, taas oo loo saadaalinayo in ay ku guuleysan doonto tartankan.

Kooxda Reer Spian ee Sevilla ayay isku-beegmeen Zenit oo ka dhisan wadanka Russia, taas oo uu leeyahay maal-qabeen lacag badan geliyey kooxdaas.

Xidhiidhka Yurub oo isticmaalaya sharci kala ilaalinaya waddamada siyaasaddoodu xun tahay ee ay colaaduhu ka dhexeeyaan ayaa waxa ay bilowgii sannadkaba kala ilaaliyeen suurtogalnimada in ay isku dhacaan kooxo ka soo jeeda wadanka Russia iyo waddanka burburay ee Ukraine sababo siyaasadeed darted.

Europa League2Sevilla oo koobkan difaacanaysa ayaa mari doonta imxitaan adag marka ay wada ciyaaraan Zenit oo haysata qaar ka mid ciyaartooyada mushaharka ugu badan la siiyo, iyadoo sidoo kale Sevilla dooneysa in sannadkani noqdo markeedii afraad ee ay tartankan ku guuleysato. Sannadihii 2006 iyo 2007 ayay si xidhiidh ah Sevilla ugu guuleysatay koobkan.

Club Brugge oo ah kooxda kaliya ee tartankan ku jirta ee aan marna laga badin ayaa la ciiyaari doonta naadiga reer Ukraine ee Nimpro.

Sidoo kale, Dymamo Kiev oo ah kooxda labaad ee wadanka Ukraine ka socota ayaa waxa ay is qaabili doonaan Fiorentina oo Talyaani ah.

Ciyaaraha lugta koowaad ee Quarter Finalka Europa League ayaa dhici doona April 16, iyadoo lugta labaadna ay toddobaad kadib isku haleeli doonaan kooxuhu.

Ciyaarta faynalka ayaa ka dhici doonta garoonka National Stadium ee magaalada Warsaw marka ay taariikhdu tahay May 27.

Sidan ayay kooxuhu isugu beegmeen:

Sevilla(ESP) v Zenit(RUS)

Dnipro(UKR) v Club Brugge (BEL)

Dynamo Kyiv (UKR) v Fiorentina(ITA)

Wolfsburg (GER) v Napoli(ITA)

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Messi Oo Kaliya Ayaa Ka Dheereya Mohamed Salah

Milicsi: Dib u daawo ciyaartii faynalka Champions League ee Real Madrid vs Atletico Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com