Europa League draw: Isku-Aadka Europa League oo la shaaciyey

EuropaWaxa la soo saaray isku aadka tartanka Europa League oo maraya marxaladda 16-ka.

Roma ayaa waxa ay isku beegmeen naadiga ay isku waddanka yihiin ee Fiorentina, iyadoo ay Villarreal waajihi doonto kooxda ay isku waddanka yiihiin ee Sevilla.

Naadiga Roma oo khamiistii faro-ciddidood kaga badiyey Feyenoord ayaa waxa ay waajihi doonaan Fiorentina oo uu tabababare ka yahay weeraryahankii caanka ahaa ee Vincenzo Montella oo hore ugu garaacday Coppa Italia xili-ciyaareedkan.

Tartankan ayaa waxa xamaasad u yeelay in labada kooxood ee Sivilla iyo Villarreal oo ka wada dhisan wadanka Spain, xurguf weyn iyo xafiiltan ciyaareedka ka dhexeeyo ay foodda is dari doonaan.

Inter Milan ayaa waxa ay mari doontaa imtixaan adag kadib markii ay foodda isla galeen naadiga awoodda badan ee reer Germany ee Wolfsburg. Everton ayaa waxa ay iyadna wada ciyaari doonaan Dynamo Kiev.

Kulamada labada is-arag ee tartankan waxa la ciyaari doonaa March 12 iyo March 19.

Liiska sida ay kooxuhu isugu beegmeen:

Everton v Dynamo Kiev

Dnipro v Ajax

Zenit St Petersburg v Torino

Wolfsburg v Inter Milan

Villarreal v Sevilla

Napoli v Dinamo Moscow

Club Brugge v Besiktas

Fiorentina v Roma

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Liverpool OUT! Europa league – Besiktas Oo Galaafatay Reds

Taageereyaasha Feyenoord Oo Muus Ku Weeraray Gervinho

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com