Luis Enrique Oo Beeniyey In Uu Saluugay Neymar

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa la sheegay in uu ka walaacsan yahay qaab-ciyaareedka weeraryahanka Neymar oo bishii u dambeysay loo jeedinayay dhalleecayn.

Tababare Enrique oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Madrid ayaa warkaas ku tilmaamay mid aan jirin, isla markaana aanu saluugsanayn xiddigaas.

Laacibka reer Brazil ee Neymar ayaa u dhaliyey kooxdiisa 17 gool 20 ciyaarood bilowgii xili-ciyaareedka hase yeeshee sannadkan cusub ayaa uu isbeddel ku yimi.

“Kama werwerayo qaab-ciyaareedka Neymar.” Sidaas waxa yidhi Enrique.

Tababare Luis waxa uu soo bandhigay kalsooni buuxda oo uu ku qabo in Neymar uu mar kale noqon doono gool-dhaliye laga baqdo.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

VIDEO: Danilo oo Porto Gool u Dhaliyey

Juventus Oo u Gudubtay Finalka Italian Cup

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com