Xaaskii Hore Ee Ronaldo Oo Saygeeda Hore Ku Tilmaantay Nacas Aan La Aamini Karin, Dumarka Xaqira Oo Dhaqanka Carruurta Leh

Irina shaykCristiano Ronaldo ma aha nin wanaagsan sida ay sheegtay xaaskiisii hore ee Irina Shayk.

Irina Shayk waxa ay ku tilmaantay Ronaldo in uu dareensiiyey intii ay is qabeen niyadjab, fool xumo iyo waliba in aanu aamin ahayn.

Lamaanahan oo aan si sharci ah isku guursanin laakiin muddo sannado ah saaxiibo ahaa, ballantooduna ahayd in ay is guursadaan ayaanay arrintooda waxba ka hirgelin. Waxa ay ballansanayaaneen in ay is guursadaan sannadkii 2010, balse waxa ay kala dhaqaajiyeen bishii January ee dhawaanta tagtay, markaas oo uu dhamaaday xidhiidhkoodii saaxiibtinimo.

Irina oo ah gabadh dharka xayaysiisa una dhalatay wadanka Russia ayaa shaacisay in iyada iyo Ronaldo ay isku waafaqeen in ay kala tagaan.

“Waxa aan dareemayaa wanaag iyo awood” sidaa waxa tidhi Irina oo ay da’deedu tahay 29 jir oo la hadashay wargeyska Hello ee ka soo baxa dalka Spain.

“Haddii aad ku jirto xidhiidh, waa in uu ahaado mid wanaagsan haddii kale waxa fiican in la kala tago.” Ayay mar kale tidhi Irina.

Irinna oo ka hadlaysa xidhiidhkii ka dhexeeyey Ronaldo ayaa waxa ay tidhi: “Xidhiidhadu way adag yihiin, midna waa in ay kuu caddaato oo ah nooca uu noqonayo ninka aad doonaysaa iyo waliba waxyaabaha aad ku qimaynayoso ee noloshaada muhiimka u ah.

“Haddii aad qof wada joogtaan, waxa waajib ah in aad isku jiho u socotaan oo aad wax kasta isku si’ u aragtaan. Waa in la wadaago mabaadi’da uu ku fadhiyo xidhiidhkaasi iyo in ay waajib tahay in lays aamino oo guur loo beddelo xidhiidhka.

“Anigu waxaan doonayaa niyadsamaan, nin daacad ah, fariid ah kaas oo garanaya sida loo ixtiraamo haweenka. Ma aamino ragga hoos noo dhiga ee farxadda aan lahayn. Taasina maaha dhaqanka ragga, waa dhaqanka carruuta.

“Waxaan u malaynayay in aan helay nin wanaagsan, laakiin maya… waxay ila tahay in gabadhu dareemayso fool xumo markay haysato nin aan ku habboonayn, aniguna waxa aan dareemay fool xumo, iyo in aanan aamini karin isaga (Ronaldo.”

Hadalka Irina Shayk ayaa ku soo beegmay wakhti uu hoos u dhacay qaab ciyaareedka Ronaldo, isla markaana dood badani ka taagan tahay waxyaabaha sababta u noqday in uu xiddigani sidaas isku dhimo. Waxa yaraatay awooddii uu ku lahaa garoomada dhexdeeda.

Arbacadii toddobaadka sii dhamaanaya ayaa waxa uu Ronaldo sheegay in aanu warbaahinta la hadli doonin, isla markaahna aanu qaban doonin shir jaraa’id oo dambe inta uu dhamaanayo xili-ciyaareedka, taas oo ay macnaheedu tahay in uu aamusnaan doono illaa dhamaadka bisha May.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

BBC Oo La Kala Daadin doono Kulanka Clásico

Xulal Ay Samaysteen Gerrard Iyo Carragher Oo Ciyaar Isku Haleeli Doona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com