Brazil Oo Cashar u Dhigtay France, Dibna U Xasuusatay 1998

Varane oo madaxa ku dhaliyey gool la mid ah kii Zidane ka dhaliyey Brazil 1998

Varane oo madaxa ku dhaliyey gool la mid ah kii Zidane ka dhaliyey Brazil 1998

 

Xulka qaranka dalka Brazil ayaa cashar u dhigay wadanka France oo ay xalay isaga hor yimaadeen ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday garoonka Stade de France ee magaalada Brazil.

Saddexda ciyaartoy ee Oscar, Neymar iyo Luis Gustavo ayaa goolal ay u dhaliyeen Brazil, waxa ay daaqada ka saaraan gool uu bilowgii ciyaarta xulka France u dhaliyey Raphael Varane, waxaanay ciyaartaasi ku dhamaatay 1-3 ay ku badisay Brazil.

Oscar

Macallinka laylya xulka qaranka Brazil oo ahaa kabtankii hoggaaminayey xulka qaranka Brazil ee sannadkii 1998kii cashaharka loogu dhigay isal garoonkan ayaa waxa uu xalay soo xushay ciyaartooyo uu filayey in ay uga soo aargudi doonaan dalkiisa ceebtii raacday 1998, waxaanu ciyaartan xalay u soo xushay: Jefferson, Danil, Miranda, Thiago Silva, Luis, Gustavo, Elias, Oscar, Neymar, Willian, Firmino, halka uu macallinka xulka qaranka France, Deschamps oo ahaa hormoodkii dhulka la dhacay Brazil 1998 uu u soo xushay ciyaartan: Mandanda, Sagna, Varane, Sakho, Evra, Matuidi, Schneiderlin, Sissoko, Griezmann, Benzema, Valbuena.

Neymar

Xulka France ayaa bilowgiiba ciyaarta hoggaanka u qabtay markii uu qaybta hore difaacyahanka Real Madrid ee Raphael Varane uu u dhaliyey gool madax ah, hase yeeshee waxa kubbad laga soo shaqeeyey ku barbarreeyey laacibka Chelsea ee Oscar, halka Neymar uu daqiiqaddii 43aad u raaciyey goolka labaad. Ciyaarta oo ay inteeda badan gacanta ku haysay Brazil isla markaana ay isku dayeen goolal badan oo dirqi lagaga badbaadiyey ayaa waxa qaybtii dambe gool saddexaad u dhaliyey laacibka khadka dhexe uga ciyaara Wolfsburg ee Luis Gustavo oo madax qurux badan la haleelay kubbad koorne ahayd oo la soo laaday.

GustavoXiddigaha France ee Karim Benzema, Moussa Sissoko iyo Varane ayaa si fudud u dhalin gaadhay goolal hase yeeshee waxay u muuqdeen in difaaca Brazil uu awood badan kala hor imanayey marka ay yimaaddaan agagaarka goolka.

Goolka madaxa ah ee uu Varane ka dhaliyey Brazil ayaa la sheegay in uu u dhow yahay goolkii Zidane madaxa kaga dhahliyey Brazil faynalkii 1998 ee ay ku qaadeen koobka Adduunka, hase yeeshee xulka reer Brazil ayaa u muuqday in ay ka awood badan yihiin France.

France

 

 

 

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

France vs Brazil: Ciyaarta caawa iyo xusuusta wacdarihii 1998 – Video

“Bale Wuxuu ku soo baxayaa Manchester United” – Scholes

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com