3:16 pm - Saturday January 20, 4598

Kaka Oo Goolkiisii U Horreeyey U Dhaliyey Orlando City, Farxad Darteedna Afka Furtay

356 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Kaka Oo Goolkiisii U Horreeyey U Dhaliyey Orlando City, Farxad Darteedna Afka Furtay

KakaXiddigii hore ee adduunka iyo kooxaha AC Milan iyo Real Madrid, Ricardo Kaka ayaa goolkiisii u horreeyey u dhaliyey kooxdiisa reer Maraykan ee Orlando City ciyaar dhacday habeennimadii Axadda.

Kooxda Orlando City ayaa loo dhigay laad xor ah meel aan ka fogeyn goolka daqiiqadihii u dambeeyey ee ciyaarta, waxaana loo doortay Kaka in uu qaato kubaddaas, taas oo uu si layaab leh ugu hubsaday shabaqa.

Kaka ayaa markii ay ciyaartaasi dhamaatay waxa uu farxaddiisa la qaybsaday taageereyaasha oo uu warbaahinta kala hadlay, waxaanu sheegay in ay ahayd ciyaar adag oo ay ku sigteen in laga badiyo hase yeeshee goolka uu dhaliyey uu kooxda ka badbaadiyey guul darro.

Laacibkan ayaa waxa kale oo uu xusay in goolkaasi uu dareen badan ku abuuray naftiisa maadaama uu ahaa goolkiisii koowaad ee uu u dhaliyo Orlando City kaas oo ku qormay taariikhdiisa ciyaareed ee dalka Maraykanka. Waxa kale oo uu ammaanay taageereyaasha oo si wanaagsan ugu damaashaaday goolkiisa, isla markaana ammaan u jeedinayay intii ay ciyaartu socotay.

Kaka oo xulka dalkiisa Brazil u saftay 89 ciyaarood ayaa bishii June heshiis la galay Orlando City kaas oo uu muddo yar oo gaaban ay ugu ogolaatay kooxdaasi in uu ugu soo ciyaaro Sao Paulo, waxaanu dib ugu soo laabtay kooxdan ka dhisan Florida markii ay bilaabmeen ciyaaraha dalka Maraykanka.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Simeone: Atletico Madrid Kuma Tartamayso Horyaalka

Video: Daawo 10ka Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Badan Dunida Kubadda Cagta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com