Theo Walcott Oo Ka Dhaqaajinaya Arsenal Iyo Liverpool Oo Heegan Ugu Jirta

Walcott..

Laacibka Theo Walcott ayay u egtahay in uu go’aansaday in uu ka tago Arsenal kadib markii uu shuruud ku xidhay wada-hadallo heshiis kordhin ah oo kooxdiisa ay wada yeelan lahaayeen.

Heshiiska uu kula jiro Walcott kooxdiisa Arsenal ayaa maraya sannadkii ugu dambeeyey, waxaana uu dalbaday in haddii ay kooxdiisu dooneyso in uu u saxeexo heshiis cusub ay u kordhiso lacagta uu ka qaato kooxda oo toddobaadkiiba ah £90,000, taas oo uu doonayo in la gaadhsiiyo £100,000 oo aanay la soconin cashuurta iyo kharashaadka kale ee ciyaartooyada laga jaro.

Walcott waxa uu u sheegay Arsenal in aanu ogolaan doonin in uu wada hadal bilaabmo illaa ay shuruuddaas sideeda ku aqbalayso, haddii ay taasi dhici weydana aanu heshiiska u cusboonaysiin doonin.

Lama garanayo in Arsenal ay aqbali doonto dalabka Walcott iyo in kale, hase yeeshee go’aanka tababare Wenger iyo sida uu u aaminsan yahay xiddigan orodka badan ayaa muhiim u ah aqbalaadda kooxda ee shuruudda Walcott.

Illaa markii uu ka soo noqday dhaawac muddo dheer qaatay, Walcott waxa uu u halgamayay in uu boos joogto ah ka helo kooxda, iyadoo uu tababare Wenger ka door-bido Olivier Giroud, Danny Welbeck, Alexis Sanchez, Santi Cazorla, Mesut Ozil iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Ciyaartooyada Arsenal waxa ugu mushahar badan Sanchez iyo Ozil oo toddobaadkiiba qaata lacag dhan £140,000, waxaanu Walcott doonayaa in uu ku dhowaado xiddigahaas.

Dalabkan mushahar kordhinta ee Walcott ayaa dadka soo xasuusiyey sannadkii 2013 markaas oo sidan oo kale uu diiday in uu heshiiska u kordhiyo Arsenal illaa lacagta loo kordhiyo, waxaanu markaas ku dhowaaday in uu ka tago Arsenal, balse markii dambe waa laga heshiiyey.

Liverpool iyo Manchester City ayaa heegan ugu jira xaaladda Walcott iyo kooxdiisa, waxaanay si dhow ula socdaan sida ay xaaladdu tahay iyagoo ka dhur-sugaya illaa bisha June oo ay wax kala caddaan doonaan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Fiorentina Oo Sida Dhibica Roobka Ugu Da’day Roma Una Rajo Tirtay

Luis Enrique Oo Saadaal ka bixiyey ciyaarta Clasico

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com