Taageereyaasha Feyenoord Oo Muus Ku Weeraray Gervinho

Gervinho thrown by PananaTaageereyaasha kooxda Feyenoord ayaa weerar bahalnimo ah oo cunsuriyeysan ku qaaday laacibka Roma ee Gervinho intii ay socotay ciyaartii labada kooxood dhex martay Khamiistii ee Europa Leage oo ay Roma ku badisay 1-2.

Daqiiqaddii 54aad ee ciyaarta ayaa kaadhka cas loo taagay laacibka Feyenoord ee Te Vrede kadib markii uu sameeyey fadqalalo uu ku taageereyo taageereyaasha kooxdiisa oo shiday dab. Ciyaarta ayaa la istaajiyey muddo labaatan daqiiqadood ah si arrintaas xal looga gaadho.

Gervinho ayaa Roma u dhaliyey goolka guusha daqiiqaddii 60aad, taas daraadeed waxa ay taageereyaasha Feyenoord kaga jawaabeen in ay muus ku soo tuuraan, taas oo ah fal cunsurinimo ah.

Kulankii hore ee labada kooxood ayaa ku dhamaaday rabshado la mid ah kuwan, iyadoo ay booliska Talyaanigu xabsiga u taxaabeen dad gaadhaya 33 qof, iyadoo ay dhaawacyo soo gaadheen taageereyaal badan iyo askar.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Europa League draw: Isku-Aadka Europa League oo la shaaciyey

Garsooreyaasha Dhexdhexaadin Doona Ciyaaraha Spain Toddobaadka dambe Iyo Kooxaha Walaacsan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com