Inter Milan Oo Ku Tumatay Juventus Ciyaartii derby d’Italia

Inter Milan ayaa intay ka daba timid oo ka soo kabatay gool lagaga naxday dhulka la dhacday oo ku tumatay kooxda Juventus kulankii xiisaha badnaa aadkana loo wada sugayay ee derby d’Italia.

Stephan Lichtsteiner ayaa hogaanka u dhiibay kooxda martida ahayd, qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii uu shabaqa ku qaboojiyey kubbad joog hoose ku duuleysay oo uu soo qaaday Alex Sandro.

Si kastabase ha ahaatee, Mauro Icardi ayaa goolka bareejaha u soo celiyey Inter, laba daqiiqo uun kadib markii laga naxsaday naadigiisa.

Laacibka bedelka ciyaarta ku soo galay, Ivan Perisic ayaa madax ku xareeyey kubbadd uu si qurux badan uga soo shaqeeyey Icardi,kaas oo noqday goolka xataa Gonzalo Higuain oo ay Juve kursiga ka soo kicisay awoodi waayay inuu barbareeyo, walow Ever Banega dhamaadkii kaadhka casaanka ah lagaga saaray.

Natiijada ciyaarta ka soo baxday, waxay noqonaysaa guuldaradii labaad ee Juve ka qabsata horyaalka Seria A, tan iyo markii ay 1-0 ka guuldarada ah kala kulantay kooxda Sassuolo, 28 kii bisha October, 2015.

Guuldaradani, waxa kale oo ay kooxda horyaalka difaacanaysa dhigtay kaalinta labaad ee liiska kala saraynta kooxaha Talyaaniga  oo ay hogaaminayso Napoli, halka Inter ay kor ugu soo ruqaansatay kaalinta lixaad.