Juventus Oo Ku Sii Durugtay Guusha Horyaalkii 31 Aad

Carlos Tevez ayaa ku hogaamiyey Juventus guusha horyaalka 31 aad ee Seria A ah kadib markii ay 2-0 ugu awood sheegatay kooxda Empoli xallay.Juventus oo empoli 2-1 ku dhaaftay caaw

Juve ayay dhaawac kaga maqnaayeen qaar badan oo kamid ah ciyaaryahanada furaha u ahi, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Paul Pogba, Claudio Marchisio iyo Andrea Pirlo, laakiin hawshii xidigahaasi qaban lahaayeen oo dhan waxaa soo bandhigay weeraryahan Tevez shiiqiyeyna in la tabo maqnaanshohood, isagoo kooxda tababare Massimiliano Allegri ku hogaamiyey inay si dhib yar ku qaadato saddexdii dhibcood ee ay ciyaarta uga baahnaydba.Juventus oo empoli 2-1 ku dhaaftay caawa
Goolka labaad ee Juve oo yimid markii saacadu isku taagtay dhamaadka , kaas oo uu ka soo shaqeeyey Carlos Tevez , ayaa waxaa shabaqa ku hubsaday laacibka bedelka ku soo gallay ee Roberto Pereyra.

Guusha Juventus ay ka gaadhay Empoli ayaa ka dhigaysa inay 14 dhibcood oo nadiif ah kaga hayso hogaanka horyaalka Talyaaniga, kooxda u soo xigta ee Roma oo leh 56 dhibcood.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Chelsea oo Dirqi Kaga Baxsatay Stoke Kuna Sii Siqaysa Guusha Horyaalka

Taageerayaasha Arsenal iyo Liverpool oo mudahraad kaga baaqday Bilowga Ciyaartii Emirates

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com