Leicester City Oo Madax Ku Macasalaamaysay West Ham United

Leicester City ayaa lix dhibcood oo nadiif ah kor uga baxday diilinta lagaga hadho horyaalka Premier League, kadib markii, gool madax ah oo uu shabaqa ku shubay Islam Slimani isaga reebtay kuna macasalaamaysay West Ham United.

SPT_GCK_311216_Football Premier league Leicester City v West Ham Uninted.
Islam Slimani goal makes it 1-0

Slimani goolkan uu guusha ku haleelay ka hor, wuxuu sidoo kale madax kale birta ka soo gooyey kadib markii uu la kulmay kubbad uu si qurux badan u soo jebiyey Marc Albrighton.

Goolwadaha kooxdiisa martida loo ahaa ee Kasper Schmeichel wuxuu laba jeer beeniyey kubbado gool loo fishay oo uu la beegsaday Dimitri Payet, Halka Michail Antonio kubbad uu gannay ay ka soo go’day birta goolka Leicester.

Schmeichel wuxuu sidoo kale sidii ugu fiicnayd u badbaadiyey, kubbadii ku celinta ahayd ee uu ku ganay Aaron Creswell, taas oo u saamaxday kooxda horyaalka difaacanaysa ee Leicester inay ku soo gunaanado sanad xusuus badan lahaa, waa 2016 oo ay 12 ciyaarood oo aan gool laga dhalinin horyaalka meel ku xidhay.

Guushani, kooxda lagu naanayso “Dacawada” waxay ka soo kicisay oo ay kor u soo qaaday hal darajo, waxaanay ku timid kaalinta 15 aad, halka guuldarada qadhaadh ee haleeshay West Ham tan iyo bishii December 3 deedii horyaalka, ay uga dhigan tahay inay ku siibatay kaalinta 11 aad, waxaana laga yaabaa inay kaalinta 13 aad ku dhacdo, kooxaha ku soo xiga oo ciyaaro baaqi u yihiin awgeed.