Liverpool Oo Caddaadis Saartay City – Kadib Guusha Ay Ka Gaadhay Newcastle United

Liverpool ayaa afar dhibcood oo kaliya ay uga dhiman yihiin dhibcihii ay kaga mid noqon lahayd afarta naadi ee ugu sareeya Horyaalka England, ciyaar laba gool oo ay u kala saxeexeen xidigaha Raheem Sterling iyo Joe Allen ay kaga adkaatay oo ku khaarajisay Newcastle guushii shanaad oo xidhiidh ah.Liverpool 2-0 newcastle united
Sterling, oo beryahanba xaaladiisu murugsanayd kadib markii uu diiday inuu qalinka ku duugo heshiis cusub ama mudo kordhin uu u sameeyo naadigiisa ayaa gool dhalinta ku furay kubad qurux badan oo uu difaaca dhexdiisa ka dhex laagay isla markaana gees kor ah ka toogtay oo daba mariyey goolwade Tim Krul.Liverpool 2-0 newcastle united - 1
Kooxda Newcastle ayaa laga diiday rigoodhe cadaan ah ka hor dhamaadka qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin goolka uu qaybtii dambe u raaciyey Allen ayaa marmarsiinyo kasta oo ay rigoodhahaas ka dhigan lahaayeen meesha ka saaray.Liverpool 2-0 newcastle united - 2
Waxaa kaadhka casaanka ah dibada lagaga dhigay laacibka Newcastle ee Moussa Sissoko kadib markii uu si badheedh ah oo axmaqnimona hagayso luga ugaga istaagay ciyaaryahan Lucas.
Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday naadiga Martida loogu ahaa Anfeild ee Liverpool oo imika kaalinta shanaad ku fadhida dhibco 57 ah.Liverpool 2-0 newcastle united - 3 Liverpool 2-0 newcastle united - 4 Liverpool 2-0 newcastle united - 5 Liverpool 2-0 newcastle united - 6 Liverpool 2-0 newcastle united - 7 Liverpool 2-0 newcastle united - 8

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Atletico Madrid v Real Madrid: Booliska Rabshadaha Oo Heegan La Geliyey

Somaliland Oo Tartan Heer Caalami Ah Ka Qeyb-galaysa Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Oo Ka War-bixiyay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com