Live – Maalinta U Dambeysa Suuqa Kala Iibsiga Ciyaaryahanada

Halkan Toos uga daalaco , Dhacdooyinka suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada oo caawa saqda dhexe xidhmi doona.

 

Heshiisyada Dhamaaday! Guud ahaan Ciyaaryahanadii Dhamaystiray Heshiisyada

Heshiisyada dhamaday

PREMIER LEAGUE

 

-Wilfried Zaha oo si rasmi ah ugu biiray Crystal Palace

Naadiga Crystal Palace ayaa kaga iibsaday £3m  ciyaaryahan Wilfried Zaha kooxda Manchester United, Lana saxeexday heshiis mudadiisu dhan tahay 5 sanno iyo badh.

 

– Reading oo Iibsatay Yakubu

Reading ayaa daboolka ka qaaday inay heshiis la saxeexatay weeraryahankii hore ee kooxda Everton ee Yakubu. Weeraryahanka reer Nigeria, oo indhawaydba ay ku raad joogtay kooxda reer Qatar ee Al Rayyan, ayaa heshiis mudaddiisu tahay ilaa dhamaadka xili ciyaareedka la saxeexday kooxda kaalinta 16 aad kaga jirta horyaalka Ingiriiska ee Reading. Laacibka 32 jirka ahi wuxuu u xidhan doonaa funaanada numberka 20 naadiga garoonka Madejski Stadium ee uu tababaro Steve Clarke. Yakubu   – Leicester City oo La wareegtay Robert Huth

Sida ay ku waramayo wargeyska As , kooxda Leicester City ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis la saxeexatay ciyaaryahanka kooxda Stoke ee Robert Huth.

  Italy – Seria A   – AC Milan Oo La wareegtay Gabriel Paletta

“AC Milan ayaa heshiis ku meel gaadh ah la saxeexatay ciyaaryahan Gabriel Paletta oo ay kagala wareegtay kooxda Parma FC. Difaacyahankan ayaa naadiga Milan qalinka ugu duugay heshiis mudadiisu dhan tahay ilaa 30 ka bisha June sanada 2018 ka.”  


– Luca Antonelli oo ka tagey Genoa kuna Biiray Ac Milan

kooxda AC Milan ayaa heshiis deyn ah kaga qaadatay ciyaaryahan Luca Antonelli naadiga Genoa, xiliga uu amaahda ku joogayo ayaa ah ilaa dhamaadka xili ciyaareedka , iyadoo dhinaca kalena labada kooxood isku raaceen in wixii intaas ka dambeeya uu Ac Milan rasmi ugu biiro iyadoo kooxdu bixinaysa qiime dhan 4.5 million Euro.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Ciyaartooyo Iyo Waalidkii Dhalay

Xidhidhka FIFA Oo 27 Sanno Kadib Laba Mashruuc Ka Fulinaya Muqdisho

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com