Manchester City 3-0 West Brom: Garsoore Swarbrick Oo Dhabqiyey Ciyaarta

Manchester CityGarsoore Swarbrick ayaa kaadh casaan ah u taagay difaacyahanka McAuley ciyaarta oo socotay wax ka yar hal daqiiqo (89 ilbidhiqsi), kaas oo u ogolaaday in Manchester City ay dib ugu soo noqoto dariiqa guusha isla markaana ay 3-0 ku garaacdo West Brom.

Weeraryahanka Manchester City ee Bony ayaa kubbad uu si fiican u daba maray difaaca waxa lugta u dhigay Graig Dawson kaas oo uu dhulka la talay, hase yeeshee inta uu degdeg u kacay haddana uu kubadda sii qaatay, waxaana ku soo gaadhay kubadda GarethMcAuley oo ka cidhiidhsaday, laakiin Garsoore Swarbrick ayaa Bony u dhigay khaladka uu Graig Dawson ku galay. Garsooraha ayaa go’aansaday in khaladkaasi uu u qalmo in kaadh cas lagu bixiyo, waxaana markii uu jeebadda gacanta geliyeyba afka sii kala qaaday Dawson oo khaladka sameeyey hase yeeshee garsooraha ayaa kaadhka cas u taagay McAuley oo ag-taagnaa kaas oo aan wax khalad ah samaynin.

cityCiyaarta ayaa wixii intaa ka dambeeyey waxa maamulkeeda si buuxda u qabsatay Manchester City oo dhinac walba kaga timid kooxda Wes Brom ee kaadhka cas lagu kala dhantaalay daqiiqaddii koowaadba, waxaana inkasta oo si fiican ay isku difaacday haddana daqiiqaddii 27aad Manchester City goolka koowaad u saxeexay laacibka reer Ivory Coast ee Bony iyadoo daqiiqaddii 40aad uu u raaciyey gool labaad Fernando, halka daqiiqaddii 77aad uu David Silva goolka saddexaad u raaciyey.

Tababaraha Manchester City, Manuel Pellegrini ayaa isbeddel ku sameeyey kooxdiisii la ciyaartay Barcelona, waxaanu fadhiisiyey inta badan kooxdii garoonka Camp Nou lagu soo garaacay. Waxa uu ku ciyaaray shaxda 4-4-2, halka uu ciyaartii Barcelona ku ciyaaray shax ahayd 4-5-1.

Ciyaartooyada uu u xushay ciyaartan tababare Pellegrini ayaa waxay kala ahaayeen:

Hart, Zabaleta, Kompany, Mangala, Clichy, Jesus Navas, Fernando, Lampard – oo lagu beddelay Jovetic, Silva – oo lagu beddelay, Bony – lagu beddelay Dzeko iyo Aguero.

Waxa beddel sugeyaal u ahaa: Sagna, Caballero, Fernandinho, Demichelis

Dhinaca West Bromwich Albion waxay ku ciyaartay shax ahayd 4-1-4-1, waxaana u saftay: Myhill, Dawson, McAuley, Lescott, Olsson; Baird; Sessegnon – lagu beddelay Mulumbu, Fletcher, Gardner, Morrison iyo Berahino – lagu beddelay Anichebe.

Waxa beddel sugeyaal u ahaa: Wisdom, Davidson, Pocognoli, Mulumbu, Nabi, Rose.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

El Clasico: Muxuu Faaliyaha Facebook Ka Yidhi Ka Hor Kulanka.?

Xummada El Clasico: Diyaar Garowga Daawashada Barca V Real Oo Gellin Horeba Loo Diyaar Garoobay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com