United Oo Daan-daamisay City Ciyaartii Derbiga Ahayd Ee Manchester

Man City 1-2 Man United

Kooxda la loodin la’yahay ee Manchester United ayaa si xarago leh ugu tumatay dhigeeda City oo marti ugu ahayd garoonka caanka ah ee Old Trafford oo ay ugu dhiibtay 4 gool iyo 2.City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 10
Ashley Young ayaa gool dhaliyey laba kamid ahna abuuray, iyadoo mid kamid ah uu Marouane Fellaini oo si weyn u muuqday kulankani madaxa ku dhaafiyey goolwadaha Man City.

Ciyaaryahan Juan Mata oo mudooyinkan u dambeeyey wacdaro la soo baxay ayaa ka saddexaad raaciyey halka uu Chris Smalling uu u afreeyey xasuuqa United u geysatay kooxda bilaa rajada ah ee uu hogaamiyo tababare Manuel Pellegrini.City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 11
City ayaa hogaanka ku qabatay kubad uu shabaqa ku ruxay Sergio Aguero oo uu David Silva si qurux badan ugu salaxay daqiiqadii 8 aad ee ciyaarta, wakhtigaas oo aad moodaysay in City ay tahay kooxda awooda ciyaarta aan laga furfuri doonin, laakiin taas waxaa beeniyey Ashley Young oo kubad uu difaaca is cidhiidhyeen oo goolwadahana uu isla difaaca City u dhaafiyey ku war hellay isagoo la hor taagan shabaq aan cidina ka xigin.

Aguero ayaa mar labaad dhamaadkii ciyaarta gool labaad u soo celiyey CIty, laakiin ma noqon mid culayskii isku dhex yaacii ka yareeya Taageerayaasha kooxdiisa ee la yaabanaa kubad xumada kooxdooda iyo sida looga awood badnaa ciyaartan.City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 1 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 2 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 3 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 4 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 5 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 6 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 7 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 8 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 9 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 10 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 11 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 12 City oo dhulka la jiiday iyo United oo 4-2 ku xaaqday 13

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Torino oo sutida u qabatay Roma

Ivanovic Oo Qoorta Wax Lagaga Dhuftay Ciyaartii QPR iyo Chelsea

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com