Man United Oo Dhaafi Kari Weyday West Ham Iyo Mourinho Oo Tarabuunka Ka Daawanayay

Kooxda Manchester United ayaa barbar dhac 1-1 ah la dhaafi weyday naadiga West Ham oo marti ug ahayd garoonkeeda Old Trafford.man-united-oo-barbaro-ka-heshay-ciyaar-mourinho-tarabuunka-loo-diray

West Ham oo gool dhalinta ku hor martay, waxay la timid daqiiqadii ugu horeysay ee bilowga ciyaarta, markaas oo uu Diafra Sakho ka xareeyey kubbad aad u qurx badan.

Ibrahimovic ayaa goolka barbar dhaca ah, ee u badbaadiyey dhibicda u saxeexay United oo xaalku ku xun yahay, tabobareheedana loo diray figta sare ee tarabuunka si uu halkaas uga daawado ciyaarta.

Tabobare Jose Mourinho ayaa tarabuunka loogu diray kaadh-kii casaa ee la siiyo mudo bil gudeheed ah, ciyaar kooxdiisa Manchester United ay barbar dhac kula gashay naadiga West Ham garoonka Old Trafford.

Macalinka reer Portaqiis wuxuu ku mutaystay ganaaxa – laag uu ku kiciyey – caagad biyo laga cabay oo garoonka cidhif-kiisa qotontay, isagoo ka xanaaqay go’aan uu garsoore Jon Moss uu kaadhka huruuda ah ku siiyey Paul Pogba oo khiyaano isku dayay, laakiin muuqaaladii ku celiska ahaa ayaa muujiyey in xiddiga kooxda West Ham ee Mark Noble aanu taabanin laacibka xulka France khadka dhexe uga ciyaara.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Genoa v Juventus

Simeone Oo Wacdaro Ku Dhigay Juventus Kulan Genoa Dhulka Jiid-jiiday

Southampton Oo Liqday Everton – Guushii 1 aad ee Mudo 5 Kulan Ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com