RIKOODH CUSUB :- Arsenal Oo Markii 19 aad Finalka FA U Gaadhay

Kooxda difaacanaysa koobkan ee Arsenal ayaa dhigtay rikoodh cusub oo ah inay markii 19 aad u gudubtay ciyaarta Finalka ah ee koobka FA Cup kadib markii laba gool uu u saxeexay xidiga Alexis Sanchez ay u saamaxeen inay guul ka gaadho kooxda Reading ciyaar wakhti dheeraad ah la isla gaadhay in lagu darro.
Sanchez ayaa Arsenal hogaanka u dhiibay daqiiqadii 39 aad ka hor intii aanu ciyaarta barbaraha ku soo celinin ciyaaryahan Garath McCleary qaybtii dambe ee kulanka.
Ciyaarta ayaa ku dhamaatay wakhtigii caadiga ahaa barbaro 1-1 ah , waxaana qasab noqotay in 30 daqiiqo oo dheeraad ah lagu darro.
Goolwadaha Australian ka ah ee Adam Federici khalad uu sameeyey ayaa u saamaxay in darbad khafiif ah oo uu Sanchez laagay si dhib yar oo dhayalsi ku jiro u weydaarato taas oo Gunners u dirray Finalkii 19 aad ee koobka FA Cup.
Gunners ayaa Finalka wajahi doona kulanka Axada dhex maraya Aston Villa iyo Liverpool lkooda guushu raacdo.Arsenal win over READING 1 Arsenal win over READING 2 Arsenal win over READING 3 Arsenal win over READING 4 Arsenal win over READING 5 Arsenal win over READING 6 Arsenal win over READING 7 Arsenal win over READING 8 Arsenal win over READING 9 Arsenal win over READING 10 Arsenal win over READING 11 Arsenal win over READING 12 Arsenal win over READING 13

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Zinedine Zidane v Luis Enrique: Dagaalkii Lagu Hoobtay iyo Dhaawacii Sanka – Video

Chelsea Waxay Dur-duro Ku Dhaaftay United – 10 Dhibcood Oo Nadiif Ah Iyo Hogaanka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com