8:58 am - Monday May 29, 2017

Bale Oo Real Madrid Ka Dejiyey Niyad-jabka Guuldaradii Champions League

Abdiwahab Ahmed

Bale Laba gool oo daran doori ah oo uu shabaqa ku ruxay, ayaa u saamaxay kooxda Real Madrid inay hogaanka horyaalka La Liga sii xejisato, kagana takhalusto naadiga Leganes.

Gareth_Bale_

MADRID, SPAIN – NOVEMBER 06: Gareth Bale of Real Madrid celebrates after scoring his 2nd goal during the Liga match between Real Madrid CF and Leganes on November 6, 2016 in Madrid, Spain. (Photo by Denis Doyle/Getty Images)

Real Madrid ayaa ahayd mid aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican, isla markaana ka fogayd koox hannan karta guusha ciyaarta, ka hor intii aanu Greth Bale ka faa’iidaysan kubbadii uu soo salaxay Isco gool dhalinta ciyaartana sidaas ku daah furin.

Weeraryahanka xulka Wales, ayaa helay goolkii labaad intii aanay dhamaanin qaybtii hore ee ciyaartu, isagoo kubad uu meel dhaw ka hellay shabaqa ku shubay.

Alvaro Morata ayaa mid saddexaad raaciyey isu soo noqodkii qaybta labaad.

Kooxda tabobare, Zidane, ayaa shan dhibcood oo nadiif ah kaalinta koobaad kaga haysa kooxda ugu soo xigta ee Barcelona, oo isla caawa ciyaar kula ballansan naadiga kaalinta saddexaad ku jira ee Sevilla.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Daawasho: Shantii Gool Ee Ugu Quruxda Badnaa Koobka Gobolada Somaliland

Kane Oo Tottenham Kaga Guntaday Kulankii Derbiga Woqooyiga London Ee Arsenal

Kane Oo Tottenham Kaga Guntaday Kulankii Derbiga Woqooyiga London Ee Arsenal

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com