Cristiano Ronaldo laba gool oo uu dhaliyey ayaa u suurto galiyey Real Madrid inay si nasiibku saaciday kaga adkaado Sporting Gijon, 7 dhibcood oo nadiif ahna ku qabato hogaanka horyaalka La Liga – saacado ku meel gaadh ah.

Naadiga haysta horyaalka naadiyada Yurub ayaa u muuqatay mid ciyaarta awood ku muquunisay markii Ronaldo labada gool dhaliyey 18 kii daqiiqo ee ugu horeeyey ciyaarta.

Goolka furitaanka oo rigoodhe ahaa ayuu saxeexay daqiiqadii 5 aad, waxaanu ku labeeyey kubbad madax ah oo ahayd mid uu soo qaloociyey Nacho – goolkiisii siddedaad ee La Liga afar ciyaarood gudohood.

Laakiin gool uu soo celiyey Carlos Carmona ayaa waxaa dhacay in Duje Cop rigoodhe loo dhigo dhamaadkii ciyaarta kaas oo noqon lahaa goolka barbar dhaca naadiga martida ah ay dhibic ku heli lahaayeen, balse wuu ka khasaaray.