Real Madrid Oo Ku Margatay Villarreal, fursadna siisay Barcelona

Casillas CarvajalKooxda kubadda cagta ee Real Madrid ee hoggaaminaysa tartanka La Liga ayaa ku mergatay guul ay ka raadinaysay ciyaar xalay ay garoonkeeda ku martigelisay Villarreal.

Ciyaar aad u adkayd oo labada kooxood ku dhex martay garoonka Real Madrid ee Bernabeu ayaa wax aka soo baxday natiijo aanay ku farxin Real Madrid, kadib markii ciyaartooyadeedu awoodi kari waayeen in ay iska caabbiyaan weerarka sida daadka ugu qulqulayay iyo khadka dhexe ee furfurnaanta iyo cag-fudaydka badan leh ee Villarreal.

Inkasta oo ay Real Madrid fursado badan samaysay qaybtii hore ee ciyaarta, haddana umay suurtogelin in ay kubadda taabsiiso shabaqa kooxda Villarreal, hase yeeshee qaybtii dambe daqiiqaddii 52aad ayaa rikoodhe loo dhigay kooxda boqortooyada ee Madrid kaas oo uu gool u beddelay Ronaldo, iyadoo uu goolkaasina ahaa kiisii koowaad ee uu garoonka Bernabeu ku dhaliyso sannadkan 2015.

Intaas kadib, waxay ciyaartooyada martida ahaa ee Villarreal bilaabeen dardar xooggan iyo weerar cag-fudayd badan ka muuqdo oo ay ku qaadeen Real Madrid, waxaanay daqiiqaddii 64aad goolka barbar dhaca u dhaliyey Gerard Moreno.

Dhamaadkii ciyaarta, waxa ay labada kooxoodba ku dhawaadeen in ay goolal kale iska dhaliyaan hase yeeshee waxa ay ciyaartu ku dhamaatay barbar dhac 1-1 ay dhibcihii ku wadaageen.

Guul la’aanta Real Madrid ee ciyaartan ayaa waxa ay soo gaabisay dhibcihii ay ku hoggaaminaysay horyaalka, taas oo hadda ay 2 dhibcood ka horreyso Barcelona oo kaalinta labaad ku jirta.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Difaaca Monaco Oo Dhakafaar Ku Riday PSG Iyo Lyon Oo Hoggaanka Sii Haysa

Atletico Madrid Oo Ku Hungowday Sevilla Iyo Wararkii Kooxaha Spain Oo Dhan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com